Ciidamada Koofiya Casta Oo la Wareegay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar.

Sunday January 21, 2018 - 07:08:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Koofiya Casta Oo la Wareegay Xarunta Dowladda Hoose Ee Xamar.

    Boqolaal askari oo daacad u ah Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta xarunta dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal askari oo daacad u ah Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta xarunta dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.


Ciidamada Koofiya Casta ee sida gaarka ah utaabacsan Farmaajo ayaa xalay saqdii dhexe isku gedaamay xarunta gobolka Banaadir kadibna saaka aroortii hore ayay la wareegeen.

Ciidamada ayaa amar kusiiyay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo xubnihii hore ee maamulka in ay isaga baxaan xarunta gobolka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ay gacanta ku dhigeen qasnado lacago dollar ah ka buuxaan, lacagtaas oo la sheegay in uu xarunta gobolka ku keydsaday Thaabit oo ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir.


 

Arrimaha ayaan yimid saacado yar kadib markii mas’uuliyiin katirsan gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen in Thaabit ay u doorteen guddoomiyaha maamul goboleedka Banaadir islamarkaana uu xilkaas si KMG ah usii heyn doono muddo 2 sanadood ah.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items