Qaraxyo Ciidamada AMISOM Lagula Beegsaday Degmooyinka Buula Burde iyo Buula Mareer.

Monday January 15, 2018 - 14:09:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Ciidamada AMISOM Lagula Beegsaday Degmooyinka Buula Burde iyo Buula Mareer.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay deegaan katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay deegaan katirsan Sh/Hoose.


Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Baraawe iyo Buula Mareer ayaa sheegaya in qarax miino lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu haleelay Gaari Taaw ah kaasi oo gabi ahaan ku burburay weerarka, dadka deegaanka ayaa sheegay in sheedda sare ay ka arkayeen qiic iyo uura Madoow oo cirka isku shareeray.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xooggan laga maqlay garoonka diyaaradaha macmalka degmada Buula Burde, qaraxa ayaa la sheegay in lala helay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items