Faah Faahin: Dhimashada Qaraxii Xerada Iskoola Boliisiyo Oo 27 Gaartay Al Shabaab Oo Ka Hadashay.

Thursday December 14, 2017 - 09:48:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Dhimashada Qaraxii Xerada Iskoola Boliisiyo Oo 27 Gaartay Al Shabaab Oo Ka Hadashay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo saaka aroortii hore lala eegtay saldhigga Ciidan oo kuyaal magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo saaka aroortii hore lala eegtay saldhigga Ciidan oo kuyaal magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmooyinka Xajamar Jajab iyo Xamar weyne ayaa sababay khasaara lixaad leh oo gaaray ciidamo katirsan Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xilligaas uu tababar u socday.

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda weerarka iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarki Xerada Iskoola Boliisiyo oo ahaa mid istish-haadi ah.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka oo ahaa Mid Naf-hurnimo ay ku dishay in kabadan 27 Askari oo saraakiil sarsare ay kamid yihiin.


"Calamiyad istish-haadi ah oo Mujaahidiintu labeegsadeen xerada Iskoola Boliisiya ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan 27 Askar iyo saraakiil ah oo Murtadiinta katirsan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxu uu beegsaday ciidamo gaardinayay oo saraakiil boolis ah awaamir siinayeen, ciidamada ayaa xilligii laweerarayay la sheegay in ay diyaarinayeen munaasabad maalmo kadib ka dhici laheyd xarunta iskoola Boliisiyo ee weerarku ka dhacay.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli Wasaaradda amniga ay dhowr mar sheegtay in ay sugtay ammaanka magaalada Muqdisho balse weerarkan ayaa muujinaya galaangalka dhanka amniga ah ee Al Shabaab ku leedahay magaalada caasimadda ah wuxuuna banaanka soo dhigayaa fashilka heysta DF-ka oo hadda weeraradu ka dhacayaan gudaha xarumaha ay ku shaqeyso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items