Dowladda Shiicada Ciraaq Oo Sheegtay in Ay Soo Gaba Gabeysay Dagaalkii ay Kula Jirtay Kooxda IS.

Sunday December 10, 2017 - 09:31:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Shiicada Ciraaq Oo Sheegtay in Ay Soo Gaba Gabeysay Dagaalkii ay Kula Jirtay Kooxda IS.

    Xukuumadda Shiicada Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ay soo gaba gabeysay dagaal sanado badan qaatay oo ay lagashay xoogag islaami sunniyiin ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Shiicada Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ay soo gaba gabeysay dagaal sanado badan qaatay oo ay lagashay xoogag islaami sunniyiin ah.



Xeydar Alcabaadi oo ah R/wasaaraha xukuumadda dabadhilifka Ciraaq ayaa shir Jaraa’id oo uu saxaafadda caalamiga ah ugu qabtay magaalada Baqdaad wuxuu ku sheegay in ay ku guuleysteen dagaalkii wadanka ka socday.

Wuxuu sheegay in ciidamada dowladdiisa oo taageera ka helaya maleeshiyaadka Xashdiga loo yaqaan ay qabsadeen dhammaan xuduudaha Ciraaq ay la wadaagto wadamada Suuriya iyo Urdun.

"Cadawgii aan dagaalka kula jirnay wuxuu doonayay in uu nadilo oo uu dilo xadaaradeenna laakin midnimadeena iyo go’aankeena ayaan uga guuleysanay” ayuu yiri Alcabaadi.


 

Xukuumadda Shiicada Ciraaq ee fadhigeedu yahay magaalada Baqdaad waxay sheegtay in ay jebisay xoogagii dowladda Islaamiga ee Ciraaq inteeda badan qabsaday sanadihii 2013 iyo 2014.

"Ciidamadeenu waxay si buuxda ula wareegeen xuduudda ay wadaagaan Ciraaq iyo Suuriya, sidaas daraadeed waxaan halkaan ka iclaaminayaan in aan jebinay xoogagii Dowladda Islaamiga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay R/wasaaraha xukuumadda Ciraaq.

Nin lagu magacaabo Jeneraal Yarallaah oo kamid ah saraakiisha maleeshiyaadka shiicada ayaa isna warbaahinta ugu sheegay magaalada Baqdaad in ciidamadoodu ay si buuxda uqabsadeen dhulka Ciraaq oo idil oo ay kamid tahay mandiqadda Aljazeerah oo kala qeybisa gobollada Al-anbaar iyo Neynawa.

Mas'uuliyiinta xukuumadda dabadhilifka Ciraaq guusha ay ka sheegteen marnaba kumasoo hadal qaadin taageeradii ay ka heleen dowladda Shiicada Iiraan iyo isbahaysiga caalamiga ee Mareykanku hoggaaminayo, sidoo kale waxay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dambiyadii ay maleeshiyaadka Rawaafidda kula kaceen muslimiinta sunniga ah.

intii uu dagaalku socday ayay maleeshiyaadka shiicada waxay nolosha ku gubeen boqolaal qof iyagoo kufsaday gabdho muslimaad ah sidoo kale waxay maleeshiyaadkan barakiciyeen kumanaan kun oo sunniyiin ah waxayna deegaanadooda ku deegaameeyeen qoysas shiica ah oo Koonfurta Ciraaq lagasoo raray.

Wariyaasha ayaa khafiifinaya guusha ay sheegatay xukuumadda Xeydar Alcabaad sababtoo ah xoogaga dowladda Islaamiga ah ayaa inkastoo laga saaray magaalooyinka iyo degmooyinka waxay wali ku suganyihiin dhulka saxaraha waxaana lafilayaa in dagaalka ay ubedelaan ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Kumanaan katirsan ciidamada Mareykanka ayaa dagaalka kala qeyb galay maleeshiyaadka shiicada iyo kooxaha Kurdiyiinta Bashmarkah,
Isbaheysiga Mareykanku hoggaaminayo ayaa xasuuq daran waxay ka geysteen magaalooyinka gacanta cadawga galay halkaas oo dad shacab sunniyiin ah ku xasuuqeen.

Magaalada Muusil oo uu ka dhacay dagaal sagaal bilood qaatay ayaa lagu dilay dad ka badan 1000 qof oo shacab ah waxaana xasuuqa ugu daran geystay diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items