Askariyad lagu Dilay Degmada Hodon iyo iska Hor'imaad Ciidamo ku dhaxmaray Xaafadda Jamhuuriyo.

Monday December 11, 2017 - 09:31:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askariyad lagu Dilay Degmada Hodon iyo iska Hor'imaad Ciidamo ku dhaxmaray Xaafadda Jamhuuriyo.

    Wararka ka imaanaya xaafadda Say Biyaano ee degmada Hodon magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen askariyad katirsan ciidamada dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya xaafadda Say Biyaano ee degmada Hodon magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen askariyad katirsan ciidamada dowladda Federaalka.


Xalay fiidkii ayay xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab waxay weerar ku qaadeen goob ay ku sugneed mid kamida saraakiisha ciidamada Booliska Dowladda Federaalka, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ragga weerarka geystay ay dileen Rowddo Salaad oo katirsanaa ciidamada Booliska.

Waa dilkii 2-aad oo 24 saacadod gudahood magaalada Muqdisho loogu geysto askar iyo saraakiil katirsan DF-ka, habeen hore ayay aheyd markii sarkaal katirsan Booliska lagu dilay degmada Wadajir.

 

Dhinaca kale iska hor’imaad khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad kawada tirsan DF-ka ku dhaxmaray xaafadda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in hal askari iyo qof shacab ah uu ku dhaawacmeen rasaas ay laba ciidan isku dhaafsadeen gudaha xaafadda, ciidamada dagaallamay ayaa isku haya gacan ku heynta dhul kuyaal xaafadda Jamhuuriyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items