Diyaarado Dagaal Oo Lagusoo Riday Wadamada Liibiya iyo Suuriya.

Tuesday October 10, 2017 - 10:01:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado Dagaal Oo Lagusoo Riday Wadamada Liibiya iyo Suuriya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo dowladda Ruushka leedahay ay ku burburtay galbeedka wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo dowladda Ruushka leedahay ay ku burburtay galbeedka wadankaasi.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa xaqiijiyay in diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay Su24 ay kusoo dhacday gobolka Laadiqiyah waxaana dhintay duuliyihii diyaaradda.

"diyaarad nuuceedu yahay Su24 ayaa dhacday daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonka Melleteriga Xumeymiim waxaana dhintay duuliyihii diyaaradda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Ruushka.

Melleteriga Ruushka ayaa meesha ka saaray in burburka diyaaradda uu ka dhashay gantaal ama rasaas lala helay waxayna usababeysan cillad dhanka farsamada ah.

 

Dhinaca kale wararka ka imaanaya xuduudda ay wadaagaan Liibiya iyo Masar ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay kusoo dhacday, dowladda Masar waxay ku dhawaaqday in diyaarad nuuceedu ahaa F16 ay kusoo dhacday xuduudda waxaana dhintay duuliyihii diyaaradda kaxaynayay.

Ilo wareedyo waxay sheegayaan in kooxaha Dadka Tahriibiya oo Masaari iyo Liibiyaan ah ay diyaaradda u adeegsadeen Gantaan nuuciisu yahay Saam7.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items