Ciidamo Katirsan Maamulka 'Jubbaland' Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Tuesday October 10, 2017 - 10:01:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan Maamulka 'Jubbaland' Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Wararka ka imaanaya deegaanka Qaam-qaamka ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe uu ka dhacay weerar lagu beegsaday maleeshiyaad burcad ah oo katirsan maamulka Axmed Madoobe.

Weerarka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad kasoo baxay tuulada Yoontooy ay xoolo ka dhaceen dad reer miyi ah kadibna ay xoolihii ku qasheen wadada laamiga ah hareeraheeda.

Dadka xoolahooda la dhacay ayaa uqeylla dhaansaday ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab kadibna waxaa weerar lagu qaaday goob ay ciidamada maamulka ‘Jubbaland’ ku qalanayeen sedax neef ari ah oo ay dhaceen.

 

Ilo waredyo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari lagu dilay weerarka halka 4 kale ay dhaawacyo soo gaareen islamarkaana ciidamadii booli cunayaasha ahaa laga cirdeeyay hilibka xoolihii ay qasheen.

Dhacdadan ayaa maanta gelinkii dambe si aad ah looga hadal hayay deegaannada dhaca duleedka magaalada Kismaayo, maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ayaa caan ku ah in ay dhacaan hantida dadka shacabka ah ku heystaan gobolka Jubbada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items