Al Shabaab Oo Duleedka Muqdisho Ku Dishay Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

Tuesday October 10, 2017 - 10:01:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Duleedka Muqdisho Ku Dishay Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

    Magaalada Muqdisho iyo duleedkeedka waxaa wali kasii socda dilalka qorshaysan ee lagu ugaarsanayo odayaashii ka qeyb galay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeedka waxaa wali kasii socda dilalka qorshaysan ee lagu ugaarsanayo odayaashii ka qeyb galay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

Wararka ka imaanaya deegaanka Tabeellaha Sheekh ibraahim ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay caawa maqribkii ku dileen Mid kamida Odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee ka yimid dhanka maamulka Koonfur Galbeed.

Ninka ladilay oo maagciisa lagusoo gaabiyay Cabdi Nuunaaw ayaa sanaddii 2016 magaalada Baydhabo uga qeyb galay fadhiyadii xildhibaanada lagusoo xulayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Nuunaaw laga qaatay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sida ay sheegeen dadka deegaanka iyadoona xoogagii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

 

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items