Al Shabaab Oo Weeraro Ku Qaaday Saldhigyo Melleteri Oo Kuyaal Qoryooley iyo Bariirre.

Tuesday October 10, 2017 - 10:01:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weeraro Ku Qaaday Saldhigyo Melleteri Oo Kuyaal Qoryooley iyo Bariirre.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale dib uga qarxeen degmada Qoryooley iyo duleedka Afgooye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale dib uga qarxeen degmada Qoryooley iyo duleedka Afgooye.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro ku qaaday saldhigyo maleeshiyaadka DF-ka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Qoryooley.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal saacado socday uu shalay illaa iyo xalay ka dhacay gudaha degmada Qoryooleey iyo hareeraheeda, warar hordhac ah waxay xaqiijinayaan in xoogaga Al Shabaab ay muddo saacada ah maamulayeen gacan ku heynta magaalada kadib markii ay ka adkaadeen maleeshiyaadkii DF-ka.
 


Cutubyo katirsan ciidanka Uganda oo saldhig ku leh meel ku dhow Buundada Qoryooley ayaa dagaalka ku biiray kadib markii loo awood sheegtay maleeshiyaadkii DF-ka.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in dagaallada oo laysku noq noqday ay saameyn ku yeesheen isku socodka gaadiidka ee isaga kala goosha Qoryooley iyo deegaanada hoos yimaad.

Dhinaca kale weerar loo adeegsaday Madaafiic ayaa lagu qaaday saldhig maleeshiyaadka Bangaraafta Mareykanku tababaray ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee Sh/Hoose.

Duqeynta ayaa lagu weeraray Bariirre xilli uu halkaas booqanayay Jeneraal Cirfiid oo ah taliyaha ciidanka Melleteriga DF-ka, weerar xooggan oo bishii lasoo dhaafay ka dhacay saldhigyo kuyaal deegaanka Bariirre ayaa sababay dhimashada 95 askari.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items