Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Oo Ka Badbaaday Weerar Uga Yimid Al Shabaab.

Tuesday October 10, 2017 - 08:13:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Oo Ka Badbaaday Weerar Uga Yimid Al Shabaab.

    Mid kamida mas'uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa ka badbaaday weerar isku day dil ah oo ay u maleegeen xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida mas'uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa ka badbaaday weerar isku day dil ah oo ay u maleegeen xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab.

Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ayaa sheegaya in maanta barqadii weerar hubeysan lagu qaaday gaari uu la socday C/llaahi Israa’iil oo ah Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay rasaas huwiyeen gaariga Agaasimaha xilli uu ku sugnaa goob kaalin shidaal ah, rasaasta ayaa C/llaahi israa’iil ka haleeshay qeybaha sare ee jirka waxaana gaaray dhaawac.

War kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada dowladda Federaalka.

 

Ma ahan markii ugu horraysay oo degmada Wadajir ay ka dhacaan weeraro lala beegsado askar iyo saraakiil katirsan DF-ka, Al Shabaab ayaa sare uqaadday dilalka iyo qaraxyada qorshaysan ee ka dhacaya inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items