Al Shabaab Oo Sheegtay in 7 Askari Ay Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Magaalada Boosaaso.

Tuesday October 10, 2017 - 07:29:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegtay in 7 Askari Ay Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Magaalada Boosaaso.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay magaalada Boosaaso ku dhaxmaray ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo kuwa maamulka 'Puntland' isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay magaalada Boosaaso ku dhaxmaray ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo kuwa maamulka 'Puntland' isku magacaabay.



War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu faah faahiyay weerar xalay saqdii dhexe ka dhacay Koontaroolka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadoodu ay xoog ku galeen saldhig melleteri oo ciidanka Puntland ku lahaayeen Koontaroolka magaalada islamarkaana ay si buuxda ula wareegeen.

"Mujaahidiintu xalay abaara 12:00-kii Habeenimo ayay weerar xooggan ku qaadeen saldhig Maleeshiyaadka maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland uu ku lahaa agagaarka Koontarolka Boosaaso, ilaah fadligii dagaal muddo socday kadib mujaahidiinta waxaa usuurta gashay in ay la wareegaan saldhigga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada SHM.

 


Khasaaraha dhimasho iyo weerarka ka dhashay ayaa gaaraya 7 Askari halka 11 kale ay ku dhaawacmeen, khasaaraha ugu daran ayaa ciidamada ‘Puntland’ kasoo gaaray weerar dhabagal ah oo xoogaga Al Shabaab u dhigeen ciidamo gurmad ahaa oo gudaha magaalada kasoo baxay islamarkaana kusii jeeday saldhigga la weeraray.

Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso ayaa la dhigay dhaawacyada 11 askari sida ay sheegeen dadka deegaanka, Shacabka kunool Boosaaso ayaa xalay maqlayay jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo dagaalka laysku adeegsanayay.

Al Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ka dhanka ah ciidamada maamulka Puntland isku magacaabay, weerar bishii June,2017 ka dhacay deegaanka Af-Urur ayaa sababay dhimashada 80 askari oo katirsan ciidanka difaaca Puntland wuxuuna weerarkaas dhaliyay khasaarihii ugu xooganaa ee maamulka Garowe kajira kasoo gaara dagaallo uu lagalay Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items