Sawirro: Ciidamo Kasoo Goostay Maamulka 'Jubbaland' Oo Markale Lagusoo Bandhigay Magaalada Jilib.

Tuesday October 10, 2017 - 07:29:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamo Kasoo Goostay Maamulka 'Jubbaland' Oo Markale Lagusoo Bandhigay Magaalada Jilib.

    Wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka waxay wali soo dhaweyneysaa Askarta kasoo goosta Maamulka uu madaxda uyahay Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka waxay wali soo dhaweyneysaa Askarta kasoo goosta Maamulka uu madaxda uyahay Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo.



Ciidamadan towbad keenayaasha ah ayaa lagusoo bandhigay hoolka weyn ee maxkamadda islaamiga magaalada Jilib waxayna sheegeen in dhibaato daran ay kula kulmeen xeryihii ay saraakiisha Itoobiya ku tababareen.

Hoos ka Akhri Magacyada askarta is dhiibtay

1-Maxamed Isxaaq Nuur,

2-Xasan Nuur Xuseen,

3-Xasan Abeyle Xoosh,

4-Cumar Yuusuf Muus.



 

Markii ay dhameesteen Tababarka oo ay bixiyeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayay sheegeen in loo qaaday Buulo gaduud iyo Cabdala Biroole ee dulleedka Kismaayo.

 

Eheladooda iyo odayaal ku heyb ah askartaan ayaa fududeeyay inay kasoo baxaan safka shisheeyaha islamarkaana isku dhiibaan Mujaahidiinta Alshabaab,Waxay ka sheekeeyeen sida loo ciidameeyay iyo mudada tababarka ay qaateen.

Halkaan Ka Dhageyso Codadka Askarta.

Si kastaba ha ahaatee Bishaan Muxaram ayaa in ka badan 10 Askari oo katirsanaa Maamulka Jubaland waxay isku dhiibaan wilaayada Jubooyinka, waxaana Muuqata in weerarkii Buulo gaduud kadib ay kala firxanayaan ciidamada ka badbaaday weerarkaasi.





Related Items