iska Hor'imaad Khasaara Dhaliyay Oo Ka dhacay Kismaayo iyo Xildhibaan Lagu weeraray Magaalada Jowhar.

Sunday October 08, 2017 - 07:29:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    iska Hor'imaad Khasaara Dhaliyay Oo Ka dhacay Kismaayo iyo Xildhibaan Lagu weeraray Magaalada Jowhar.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay is rasaaseyn maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay is rasaaseyn maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.



Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen sedax kalane dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ilaalada ka haaya xarunta madaxtooyada Axmed Madoobe iyo ciidamo kale oo waardiyaynayay mid kamida mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in kala shaki soo kala dhaxgalay ciidamo farabadan oo ku sugnaa halka loo yaqaan Dalxiiska halkaas oo amnigeeda si aad ah loo adkeeyay, ciidamo farabadan oo kala taabacsan madaxda maamul goboleedyada ku shirsan Kismaayo ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada.

 

Dhinaca kale rasaas caawa fiidkii ka dhacday afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka magaalada Jowhar ayaa sababtay dhaawaca hal askari, mid kamida xildhibaanada maamulka ‘Hirshabelle’ ayaa la xaqiijiya in uu ka badbaaday rasaas la huwiyay gaarigiisa.

Max’med Yuusuf Coloow oo kamid ah xildhibaanada HirShabelle ayaa warbaahinta u sheegay in gaarigiisu uu rasaas xooggan kala kulmay mid kamida ciidamadii ilaalada ka haayay xarunta baarlamaanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items