Waa Kuma Jalal Talabani Madaxweynihii Ciraaq Ee Geeriyooday?.

Tuesday October 03, 2017 - 08:11:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Jalal Talabani Madaxweynihii Ciraaq Ee Geeriyooday?.

    Xukuumadda Dabadhilifka Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday Jalaal Talibani oo ahaa Ninkii ugu horreeyay ee madaxweyne ka noqda wadanka sanaddii 2005 markii ay ciidamada Mareykanka qabsadeen Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Dabadhilifka Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday Jalaal Talibani oo ahaa Ninkii ugu horreeyay ee madaxweyne ka noqda wadanka sanaddii 2005 markii ay ciidamada Mareykanka qabsadeen Ciraaq.


Jalaal Talabani ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaal wadanka Jarmalka kadib sanado uu ka sheeganayay xanuun dhanka maskaxda ah, Zeynaba Siciid oo ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka Ciraaq oo lagasoo doorto gobolka Kurdistan ayaa xaqiijisay geerida Talibani waxayna ku tilmaamtay musiibo qaran.

iyadoo hadlaysa ayay tiri "waa Madaxweynaha kaliya ee geeridiisa ay ka murugoodeen Carabta iyo Kurdiyiinta waxaan rajeynayaa in geeridiisu midnimo u horseeddo Ciraaq”.


 

Talabani ayaa ahaa dabadhilif taariikh madoow leh kadib markii dabaabaadka ciidanka Mareykanka ay ugelbiyeen magaalada Baqdaad Bishii April,2013 xilligaas oo lariday dowladda Saddaam Xuseen wuxuuna wadanku galay sanado gumeysi ah.
جلال طالباني
Sanaddii 1933 ayuu ku dhashay gobolka Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq, billaawgii kontomeeyadii ayuu aas-aasay xisbiga dimuquraadiga Kurdiyiinta wuuxuna ka qeyb galay inqilaabkii fashilka ee ka dhacay Ciraaq sanaddii 1963.

Madaxweynaha Geeriyooday ayaa xilka madaxweyne ee Ciraaq haayay sanaddii 2005 illaa 2014 xilligaas oo xanuun dhanka Maskaxda ah kusoo booday waxaana lagu bedelay siyaasi Kurdi ah oo lagu magacaabo Fu’aad Macsuum.

Wuxuu ahaa madaxweynaha kaliya ee isagoo Kurdi ah Mansab sare ka qabtay Ciraaq balse xilka madaxtinimo wadanka qiima saas ah kuma lahan oo waxaa ka awood badan R/wasaaraha.

Jalaal Talabani ayaa dhintay isagoo 83 sana jir ah,taariikhda Talabani gabigeed waa mid madoow oo dabadhilifnimo harraysay wuxuuna kamid ahaa saraakiishii Mucaaradka ee rididdii Saddaam Xuseen usoo kaashaday Mareykanka iyo Shiicada Iiraan.

Related Items