Daawo Video: Askari Mareykan Ah Oo Jawaab Dhab Ka Hadal Ah Siiyay Sheekh C/Raxmaan Sudeysi.

Saturday September 23, 2017 - 09:08:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Askari Mareykan Ah Oo Jawaab Dhab Ka Hadal Ah Siiyay Sheekh C/Raxmaan Sudeysi.

    Mid kamida ciidamada Mareykanka ee ka qeyb galay duullaanadii gardarrada ahaa ee lagu qaaday wadamada Ciraaq iyo Afghanistan ayaa jawaab dhab ka hadal ah siiyay Mid Kamida wadaada xumayaasha dowladda Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida ciidamada Mareykanka ee ka qeyb galay duullaanadii gardarrada ahaa ee lagu qaaday wadamada Ciraaq iyo Afghanistan ayaa jawaab dhab ka hadal ah siiyay Mid Kamida wadaada xumayaasha dowladda Sacuudiga.



Mike Breisner oo ah Askari ka qeyb galay duullaankii Ciraaq ayaa sheegay in dowladdiisu ay xasuuq bahalnimo ah ka geysatay wadanka Ciraaq, isagoo boqolaal qof kula hadlayay gudaha Mareykanka ayuu ku dheeraaday in uu runta u sheegay shacabkiisa.

"Ciidamadii aan ka mid ahaa waxay Ciraaq ka geysteen Xasuuq, dad kabadan 2 milyan oo qof shacab ah ayaan dilnay hanti badana waa burburinay sidaas daraadeed Mareykanku ma ahan dowlad Nabad gelyo ee waa dowlad dad rayid ah Xasuuqday” sidaas waxaa yiri Mike Breisner.


 


isagoo ah kaafir ayuu diiday in wax walba oo xun uu ku raaco dowladdiisa wuxuuna soo bandhigay xaqaa’iq ku saabsan dagaalka Mareykanka uu uga jiro caalamka islaamka sida Afghanistan iyo Ciraaq oo uu ku tilmaamay Gummaad magac wanaagsan loo bixiyay, halka wadaada xumayaasha xukuumadda Sacuudiga ay baadilka ku taageerayaan dowladooda.

Mike Breisner wuxuu ka run badanyahay Sheekh C/Raxmaan Alsudeysi oo ah Imaamka Xaramka islamarkaana ay isku dhowyihiin Boqor Salmaan kaas oo maalmo ka hor sheegay in Mareykanka iyo Sacuudiga ay Caalamka ku Hoggaminayaan ammaan iyo Cadaalad.

Baraha Bulshadu ku kulanto ayaa lagu faafiyay isbarbar dhig ku saabsan hadallada Al-usdeysi iyo Askariga Mareykanka ah ee ku saabsan waxa uu Mareykanku yahay.

Hoos Ka Daawo Jawaabta uu bixiyay Askariga Americanka ah.



Nuxurka Ammaantii Sudeysi uu Ujeediyay dowladda Mareykanka iyo Sacuudiga.

Isagoo ka qeyb galayay Shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Newyork ee dalka Maraykanka, oo looga hadlayay xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo wadamada Muslimiinta, ayuu Sheykh Cabdi Raxmaan Al-Sudeysi oo ah imaamka iyo khadhiibka Kacbada barakeysan wuxuu si kal iyo laab ah u amaanay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Cabdi Raxmaan Al-Sudeysi ayaa sheegay in boqorka Aala-Sucuud iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay ku hogaaminayaan Caalamka wadada nabadda, barwaaqda iyo Ilbaxnimada.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen dad badan oo magac culimo wata marka uu dhamaaday kadib ayuu Cabdi Raxmaan Al-Sudeysi wuxuu waraysi siiyay tvga Al-Akhbaar ee maamulka Aala-Sucuud, isagoona sheegay in Maraykanku saameyn wanaagsan ku leeyahay caalamka oo dhan.

Dadka isticmaalaha baraha Bulshada gaar ahaan kuwa ku nool dhulka Xarameynka ayaa aad ula yaabay warka kasoo baxay Sudeysi, waxayna sheegeen inuu yahay mid ku jees jeesaya kumanaanka Ruux ee caruurtooda iyo dadkooda ku waayay duullaannada uu Maraykanku ku qaaday Caalamka Islaamka iyo gumaadka diyaaradihiisa ka wadaan dalal badan oo ay ku jiraan Ciraaq, Suuriya, Afqaanistaan, Soomaaliya iyo Yaman.

Hoos Ka Daawo Hadaaqa Wadaad Xume C/Raxmaan Sudeysi.


Related Items