Sawirro: Mudaaharaadyo Rabshado Wata Oo Ka Bilaawday Magaalada Kampala Ee Wadanka Uganda.

Saturday September 23, 2017 - 09:08:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Mudaaharaadyo Rabshado Wata Oo Ka Bilaawday Magaalada Kampala Ee Wadanka Uganda.

    Kumanaan katirsan taageerayaasha mucaaradka wadanka Uganda ayaa mudaaharaadyo rabshado wata ka oogay magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan taageerayaasha mucaaradka wadanka Uganda ayaa mudaaharaadyo rabshado wata ka oogay magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.


Wararka ka imaanaya magaalada Kampala ayaa sheegaya in tobaneeyo katirsan saraakiisha mucaaradka xabsiyada loo dhaadhiciyay kadib markii ay rabshado kala hortageen ciidamada ammaanka.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa kasoo horjeeda waqti kororsi uu damacsanyahay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.

Ciidamada Booliska ayaa si bahdil ah ula dhaqmay duqa magaalada Kampala kadib markii uu taageeray dibad baxyada lagu diisanyahay siyaasadda Museveni.

 

Saraakiisha Booliska ayaa garaacay duqa Kampala xilli si toos ah uu uga hadlayay Telefeshin Maxalli ah arrinkaasi oo ka caraysiiyay dadkii dibad baxyada dhigayay.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa kasoo horjeestay qorshaha Museveni uu ku doonayo in uu wax uga bedelo dastuurka Uganda ee dhigaya in madaxweynuhu uusan marka iskusoo sharraxi karin doorashooyinka dhacaya sanadda 2021.



Related Items