Daawo SAWIRRO: Warbaahinta Kenya Oo Sheegtay in Ciidamo Mareykan Ah iyo Kuwo Kenyan Ah Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Monday July 31, 2017 - 07:28:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo SAWIRRO: Warbaahinta Kenya Oo Sheegtay in Ciidamo Mareykan Ah iyo Kuwo Kenyan Ah Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

    Shabakad caan ah oo ka mid ah warbaahinada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Askari dhowr ah oo American ah iyo kuwa Kenyan loo maleynayo in ay ku dhinteen weerar dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku beegsadeen ciidamo huwan ah oo ku sugnaa dul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shabakad caan ah oo ka mid ah warbaahinada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Askari dhowr ah oo American ah iyo kuwa Kenyan loo maleynayo in ay ku dhinteen weerar dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku beegsadeen ciidamo huwan ah oo ku sugnaa duleedka Magaalada Kismaayo.




Shabakadan oo lagu magacaabo TUKO ayaa sidoo kale baahisay muuqaallada Burbur xoogan oo soo gaaray Kolonyada la weeraray oo ka koobnaa Mareykanka, Kenyaati iyo Soomaali.

"Dhowr Askari oo Mareykan ah iyo Kuwa Kenyan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen weerar dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Kolonyadooda” ayay tiri Shabakadan.

 


Waxay sheegtay in weerarka uu yimid kadib markii qarax aad u xoogan lala eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamo American ah iyo kuwa Kenyan ah xilli ay marayeen deegaanka Yoontooy ee duleedka magaalada Kismaayo.

Yoontooy ayaa qiyaas ahaantii 25 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

"Kolonyada waxaa lagu beegsaday meel 25km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo, Waxaana sawirro aan helnay ay Muujinayaa gaari kuwa Militariga ah oo laba u kala go’ay ka dib markii lala eegtay qarax aad u xoogan” ayay tiri Shabakadda.

illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladaha Kenya iyo Mareykanka ah oo ku saabsan qasaaraha ka soo gaaray weerarkaas oo dhacay Jimcihii la soo dhaafay oo taariikhdu ku beegneyd July 28.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana war laga baahiyey Idaacadda Andalus Jimcihii la soo dhaafay lagu sheegay in qaraxa lala eegtay Kolonyo ciidamo isbaheysi ah oo isugu jira Mareykanka iyo Afrikaan ah oo falal arbushaad ah ka geysanayey deegaanada dhaca duleedka Kismaayo.

Hoos Ka Daawo Sawirada Mid Ka Mid Ah Gaadiidka Burburay





XIGASHO: TUKO
 

Related Items