General Gabre Oo Bogaadiyay Kaniisadda Laga Furay Hargeysa, Sheegayna in Dowladnimo Loo Aqoonsan Doono Somaliland.

Wednesday August 02, 2017 - 07:28:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Gabre Oo Bogaadiyay Kaniisadda Laga Furay Hargeysa, Sheegayna in Dowladnimo Loo Aqoonsan Doono Somaliland.

    Madaxa sirdoonka melleteriga Itoobiya ee Soomaaliya ahna lataliyaha gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Ururka IGAD, Gen. Gabre ayaa si diirran usoo dhoweeyay Kaniisadda dhowaan laga furay magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa sirdoonka melleteriga Itoobiya ee Soomaaliya ahna lataliyaha gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Ururka IGAD, Gen. Gabre ayaa si diirran usoo dhoweeyay Kaniisadda dhowaan laga furay magaalada Hargeysa.



Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga oo uu kaga hadlayay Kaniisadda cusub ee dhawaan laga furay Hargeysa ayuu ku bogaadiyey maamulka Somaliland oo dhawaan Nasaarada ku nool Hargeysa u ogolaaday in ay Kaniisad ka furtaan magaaladaasi si ay u faafiyeen mad-habkooda.

Qoraalkan oo uu Gen. Gabre cinwaan kaga dhigay "Mahadsanid Somaliland, Goordhow waa leydiin Aqoonsan doonaa” ayuu ku sheegay in Kaniisadda laga furay Hargeysa ay ka dhigan tahay waacusub oo u baryay dadka Nasaarada ama Kirishtaanka ah.



 

"Kaniisadda yar ee laga furay magaalada Hargeysa ee waqooyi-galbeed Soomaaliya, waxay jabter cusub u fureysaa qowmiyadda ballaaran ee nasaarada ah ee ku nool wadanka ay colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya oo ah dal hooy u ah kooxda Al-Shabaab ee ka tirsan Al-Qaacida” Sidaas waxaa yiri General Gabre.

Mas'uulkan katirsan dowladda Itoobiya ayaa Soomaalida ku dhiiri geliyay in ay diinta islaamka ka baxaan ayna gaaloobaan isagoo safar dheer oo guuleystay ku tilmaamay marxaladda cusub ee ay hanteen Soomaalida gaalowday ee ah in Kaniisad ay ka heleen gayiga soomaaliya.

"Kani waa bilowga safar dheer oo Soomaalida Kirishtanka ah ku hogaamin doono in ay xor u noqdaan caqiidadooda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jeneraal Gabre oo ah mas'uul katirsan dowladda Itoobiya.



Dhamaan maamul goboleedyada kale ee dalka Soomaaliya kajira ayuu ugu baaqay in ay Somaliland ku daysadaan si qof waliba uu diintisa iyo waxa u amisan yahay uu caabudo isagoo aanan cidna ka cabsaneynin.

Wuxuu sidoo kale u mahad celiyey ‘Soomaalida kirishtanka ah’ ee ku dhaqan magaalada Muqdisho kuwaas oo uu sheegay in ay hooy yar oo ay ku ‘cibaadeystaan’ ka sameysteen Xerada Xalane.

Waxaa jira nasaaro dhuumaleysi ku sameysatay kaniisado oo ka furan Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa iyo magalooyin kale laakin tan hargeysa waa tii ugu horreysay oo si calan ah loo shaaciyo kadib markii la tijaabiyey damiirka iyo qiirada dadka soomaalida iyo culimadooda, lana ogaaday in ay yihiin iska xamaasad oo qiiradooda iyo kacaankooda uusan ka badneen laba maalin.

Kumaanaan Askari Kirishtaan AMISOM ah oo Soomaaliya ku jooga magaca Nabad ilaalineed ayaa Kaniisado yaryar ka dhax furtay xeryahooda melleteri balse kuma dhiiran karaan in ay magaalooyinka ka hirgeliyaan Kaniisado.

Warka kasoo yeeray Gen.Gabre ayaa macna weyn ugu fadhiya kuwa Kirishtaanka ah ee isqariya kuwaasi oo larumeysanyahay in ay xilal ka hayaan DF-ka iyo maamul goboleedyada sababtoo ah Gabre waa Itoobiyaan ku dhaxmilmay siyaasadda soomaaliya awood muuqatana ku leh gudaha dalka maadaama ciidamadiisu ay wadanka gumeystaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items