Daawo Sawirro: Sidaan Ayay Reer Uganda Usoo Dhoweeyeen Meydadka Askartii Looga Laayay Dagaalkii Golweyn Ee Sh/Hoose.

Thursday August 03, 2017 - 07:28:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Sidaan Ayay Reer Uganda Usoo Dhoweeyeen Meydadka Askartii Looga Laayay Dagaalkii Golweyn Ee Sh/Hoose.

    Waxay aheyd maalin murugo iyo uurkutaalla leh oo usoo gashay tobanaan qoys oo reer Yugaandha ah kadib markii meydadka wiilashooda dib loogu celiyay guryahooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay aheyd maalin murugo iyo uurkutaalla leh oo usoo gashay tobanaan qoys oo reer Yugaandha ah kadib markii meydadka wiilashooda dib loogu celiyay guryahooda.

Baroor iyo balaw ayay afka furteen haween iyo rag waalidiin u ah ciidamo katirsan AMISOM oo maalmo ka hor lagu xasuuqay weerar dhabagal ah oo Xarakada Al Shabaab ugu dhigtay deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Diyaarad weyn oo xamuul ah ayaa magaalada Entebbe ka dajisay Meydadka tobanaan Askari kuwaas oo laga daabulay xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin dalka Soomaaliya.

 

Garoonka Entebbe waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan dowladda Uganda iyo ehelladda ciidanka lalaayay, sawirro lagu faafiyay warbaahinta Uganda ayaa muujinayay Meydadka ciidanka lalaayay oo Naxash lagu gelibinayo iyo dad ilimeynaya kana murugeysan halaagga wiilashooda kusoo gaaray duullaanka gardarrada ah oo ay Soomaaliya ku qaadeen.

Qaar kamid ah waalidiinta askartooda lalaayay ayaa Oohin afka qabsaday markii ay arkeen meydadka wiilashooda, waxay aheyd munaasabad murugo badan u laheyd dadka Yugaandheyska ah, Afhayeenka ciidanka melleteriga Uganda ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada ay dhankooda ay xaqiijin karaan ay tahay 12 askari waxaana muuqata in khasaaraha ku gaaray dagaalkii Golweyn ay ka qarinayaan shacabka.


Hoos Ka Daawo Sawirrada Meydadka Askartii Lagu laayay deegaanka Golweyn oo laga dajiyay wadanka Uganda.























Related Items