Akhriso: Warbixin Xiisa Leh:-"Habeen Uusan Hurdin Max'med Bin Naa'if" Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Sacuudiga.

Sunday July 23, 2017 - 20:23:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Warbixin Xiisa Leh:-"Habeen Uusan Hurdin Max'med Bin Naa'if" Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Sacuudiga.

    Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababtii keentay in xilkii uu hayay laga qaado islamarkaana la ceyriyo Wasiirkii arrimaha gudaha iyo dhaxal sugihii dalkaasi Muxamed Bin Naayif, kaas oo muddo dheer ka mid ahaa Saraakiisha awoodda badan ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababtii keentay in xilkii uu hayay laga qaado islamarkaana la ceyriyo Wasiirkii arrimaha gudaha iyo dhaxal sugihii dalkaasi Muxamed Bin Naayif, kaas oo muddo dheer ka mid ahaa Saraakiisha awoodda badan ku dhex leh Nidaamka Saudi Arabia.



Warbixin ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters iyadoo soo xiganeysa ilo wareedyo ku dhow dhow Nidaamka Aala Sacuud ayaa waxay sheegtay in 21-kii bishii June ee aan soo dhaafnay xilli habeenimo ah in Muxamed Bin Naayif uu farriin ka helay Boqorka dalkaasi Salmaan Bin Cabdul Caziiz, kaas oo ku amray in uu yimaado dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Makka Al-Mukarrama.



Reuters waxay sheegtay in labada Mas'uul ay kulan dhowr saacadood socday ay ku qaateen dabaqa Afaraad ee dhismaha Madaxtooyada, iyadoona Salmaan Bin Cabdul Caziiz uu Muxamed Bin Naayif ku wargeliyay in uu ka qaaday jagada dhaxal sugaha Boqortooyada iyo Wasiirka arrimaha gudaha , arrintaas oo lama filaan ku noqotay Muxamed Bin Naayif.

 

 

Sida Warbixinta lagu sheegay Boqorka dalka Sacuudiga ayaa xil ka qaadista Muxamed Bin Naayif u cuskaday kadib markii Wasiirka arrimaha gudaha ahna dhaxal sugaha uu diiday talooyin dhowr ah oo uga yimid Boqorka, waxaana ka mid ahaa talooyinkaas in Muxamed Bin Naayif uu joojiyo isticmaalka daawooyinka Maandooriyaasha.

Laakiin ilo wareedyadu waxay sheegayaan in Muxamed Bin Naayif uu dawooyinka Maandooriyaasha ah u adeegsado in uu isaga khafiifiyo xanuun joogto ah oo uu kala kulmayo dhaawac kasoo gaaray isku daygii dil ee uu ka bad baaday sannadkii 2009-kii, kaas oo uu la beegsaday mid ka mid ah dagaal yahannada Al-Qaacidda ee Jaziiratul Carab.

Ilo wareedyadu waxay intaas ku darayaan in Muxamed Bin Naayif uu jirkiisa ku jiro firir kasoo gaaray isku daygaasi dilka ah, iyadoo dhowr jeer uu galay qalliimo kala duwan, waxaana loo qaaday Isbitaallo kuyaalla dalka Switzerland, hase yeeshee dhaqaatiirta ayaa awoodi waayay inuu kasoo saaraan firirkaasi, taas aawgeed ayaa keentay in Muxamed Bin Naayif uu isticmaalo Walxo Maandooriyeyaal ah oo ka mid tahay Maadada loo yaqaano Morvin, si uu isaga khafiifiyo xanuunkaasi.

Arrimaha kale ee loo cuskaday xil ka qaadista Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee Nidaamka daba dhilifka ee Sacuudiga waxaa ka mid ah sida uu ula tacaamulay dagaalka ka socda dalka Yemen, hoos u dhigiddii uu ku sameeyay Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda iyo sida uu uga biyo diiday go'doomintii ay dowladda Sacuudiga kusoo rogtay Dowladda Qadar.

Muxamed Bin Naayif ayaa labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxa uu gacanta ku hayay Hey'adaha Ashahaada la dirirka ee Nidaamka Aala Sacuud, isagoo mas'uulka ka ahaa in jeelasha la dhigo, islamarkaana la tacdiibiyo kumanaan ka tirsan ducaadda iyo Culimada ku nool dalka Sacuudiga.

Sidoo kale waxa uu xiriir soke la la ahaa Hey'adaha Sirdoonka ee dalka Mareykanka, gaar ahaan Hey'adda CIA-da, waxaana uu ahaa Nin si aad ah ugu kalsoon yihiin dowladaha reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Laakiin sanadihii lasoo dhaafay, gaar ahaan markii uu xilka la wareegay Salmaan Bin Cabdul Caziiz waxaa hoos loo dhigay awoodihii uu lahaa Muxamed Bin Naayif, iyadoona Boqorka daba dhilifka ee dalkaasi uu billaabay inuu xilal sare oo Dowladda ka tirsan u magacaabo Wiilka uu dhalay ee Muxamed Bin Salmaan, iyadoona ugu dambeyntii uu Boqorka xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha gudaha iyo dhaxal sugaha dalkaasi, isagoona jagadaasi u magacaabay Wiilkiisa.

محمد بن سلمان ومحمد بن نايف والملك سلمان
WargeyskaNew York Timesee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa isna daabacay warbixin uu ciwaan uga dhigay "Habeenkii uusan indhaha isku geyn Bin Naayif”.

Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in Boqorka Sacuudiga uu Bin Naayif si qasab ah xilka uga qaaday, kulankii qasriga madaxtooyada Makka ayaa ahaa mid aan indhaha laysku geyn habeenkaas oo dood kulul ay dhacday iyadoo ugu dambeyn xilka laga xayuubiyay Bin Naayif.
The New York Times waxay leedahay "Max’med Bin Naayid Xabsi Guri ayaa lageliyay kadib markii si qasab ah Beycada looga qaaday illaa iyo haddana mugdi ayaa kujira noloshiisa siyaasadeed”.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items