Addis Ababa: Dowladda Itoobiya Oo Masjidka Ugu Weyn Ee Muslimiinta Ku Wareejisay Kooxo Shiico Ah.

Sunday July 16, 2017 - 20:32:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Addis Ababa: Dowladda Itoobiya Oo Masjidka Ugu Weyn Ee Muslimiinta Ku Wareejisay Kooxo Shiico Ah.

    Maamulayaasha wadanka Itoobiya ayaa si rasmi ah Kooxo shiico ah ugu wareejiyay gacan ku heynta Masjidka ugu wadanka Itoobiya ee muslimiintu leeyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulayaasha wadanka Itoobiya ayaa si rasmi ah Kooxo shiico ah ugu wareejiyay gacan ku heynta Masjidka ugu wadanka Itoobiya ee muslimiintu leeyihiin.



Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in dowladdu ay maamulka Masjidka Al-Anwaar ama Masjidul Kabiir ku wareejisay Kooxo wadaado shiico ah oo dhanka wadanka Lubnaan ka yimid.

Imaamkii Masjidka oo sunni ahaa ayaa la Eryay arrinkaas oo ka caraysiiyay kumanaan katirsan dadka muslimiinta sunniga ah ee ku dhaqan magaalada Addis Ababa iyo hareeraheeda.

Mu’adinkii Masjidka Al-Anwaar ayaa sheegay in ciidamo boolis ah ay gudaha ugaleen Masjidka iyagoo maamulka Masjidka si rasmi ah ugu wareejiyay kooxo shiico ah oo dowladda Itoobiya ay wadato.



iskusoo baxyo cabasho ah ayay muslimiinta sunniga ah ka dhigeen afaafka hore ee Masjidka ugu weyn magaalada Addis Ababa iyagoo dalbanayay xuquuqdooda balse majirin cid wax uqabatay.


Kooxo suufi Baadiniyiin ah ayaa la sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay isku fidinayeen gobollada Muslimiintu ku badanyihiin ee Itoobiya waxayna kooxahaas qabsanayaan goobaha diinta islaamka lagu barto sida Madaarista iyo Masaajidda.

Hoggaamiyaasha muslimiinta Itoobiya ayaa dowladda Addis Ababa ku eedeeyay in ay gacan ka geysanayso faafinta Mad-habka baadilka shiiciga waxaana ciriiri dhan walba ah wajahaya malaayiin katirsan muslimiinta sunniga ah.

Dhinaca kale Masjid ay leeyihiin muslimiinta Aqaliyaatka ah ee ku dhaqan gobolka Tigree ayaa lasoo sheegayaa in tacadiyo lagula kacay.

Kacdoono ay dhigeen muslimiinta Itoobiya sanadihii 2013-2014 ayay uga cawdeen naasnuujinta ay xukuumadda Addis Ababa ufidinayso kooxaha shiicada ee suurad xumeynaya diinta islaamka.

Laamaha sirdoonka dowladda Itoobiya ayaa la rumeysanyahay in ay kaalin weyn ku leeyihiin qamcinta joogtada ah ee lagu haayo dadka muslimiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items