Warbixin: Shariif Sakiin oo Shirkadda Sumcadda Xun Ee BlackWater Heshiis Dhanka Amniga Ah lagalay.

Friday June 23, 2017 - 10:52:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Shariif Sakiin oo Shirkadda Sumcadda Xun Ee BlackWater Heshiis Dhanka Amniga Ah lagalay.

    Shirkad ay leeyihiin Calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah oo caan ku ah xasuuqa shacabka muslimiinta ayaa ku dhawaaqday in heshiis dhanka amniga ah ay lagashay maamul dabadhilif u ah Itoobiya oo kajira Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkad ay leeyihiin Calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah oo caan ku ah xasuuqa shacabka muslimiinta ayaa ku dhawaaqday in heshiis dhanka amniga ah ay lagashay maamul dabadhilif u ah Itoobiya oo kajira Koonfurta dalka Soomaaliya.


Sida ay faafisay wakaaladda wararka Reuters shirkadda SFG oo horay loo oran Jiray BlacWater ayaa heshiis dhinacyo badan taabanaya lagashay maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ee Fahdigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Agaasimaha BlacWater Erick Prince ayaa warbaahinta u sheegay in heshiiska ay lagaleen shariif Xasan uu dhigayo caawinta arrimaha ammaanka, dib udhiska iyo in shirkado maalgashi ajaanib ah lagusoo jiido deegaanada uu kajiro maamulk Koonfur Galbeed isku magacaabay.

 

"Mashaariicda Koofurgalbeed aan ka hirgelinayno waxaa ka mid ah dhinacyada dhulka,circa iyo badda iyo weliba in ammaanka la hormariyo,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkadda BlacWater oo ah shirkad xasuuq ka geysatay wadamo ay kamid yihiin Afghanistan iyo Ciraaq.

BlacWater oo uu madax ka yahay Jeneraal hore uga tirsanaa ciidanka Mareykanka waxaa u shaqeeya kumanaan calooshood ushaqeysataal caalamka lagasoo aruuriyay shaqadeeduna ay tahay in ay fuliso dilal qorshaysan,qaraxyo iyo burburin si ay dhidibada ugu taagto dowlado doonayo in ay dhidibada isku taagaan ama dhinacyo doonaya in ay ka macaashaan dalalka khalalaasuhu ka taaganyihiin.

Shirkaddan uu Shariif Xasan Heshiiska lasoo galay ayaa sanadihii 2003 illaa 2009 waxay wadanka Ciraaq ka geysatay xasuuq aan loo meel dayin, sida iyadoo qarxisay suuqyo waaweyn oo kuyaal magaalada Baqdaad ujeedka lagalahaa qaraxyadaasi dadka badan ku dhinteen waxaa kamid ahaa in sumcadda laga dilo xoogagii islaamiga ee ciidanka Mareykanka kula dagaallamayay Ciraaq.

Sidoo kale Shirkadda BlacWater ayaa nus milyuun qof waxay ku dishay wadamada Ciraaq iyo Pakistan kadib markii ay qaraxyo ka geysatay Masaajid iyo suuqyo ganacsi, sidoo kale qeybta dilalka qorshaysan ee shirkadda ayaa khaarijiyay culimaa'udiin caanka ah caalamka islaamka sida Cabdalla Cazzaam iyo kuwa kale.

Baaritaano dheer kadib ayaa la ogaaday sanaddii 2010 in BlackWater ay xasuuqaas geysatay iyadoo lacago ka qaadanaysay sirdoono caalami ah si sumcadda ay uga disho jamaacaadka Jihaadiga ah.

lama oga sida shirkadani ay uga howlgeli doonto gobollada Bay iyo Bakool oo intooda badan ay kajiraan maamullo islaami ah oo xarakada Al Shabaab hoos taga, waxaa xusid mudan in BlacWater ay sanaddii 2011 ka shaqa bilaawday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in BlackWater aysan waxba kusoo kordhin doonin duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya, shirkado dhanka amniga ah oo ay kamid yihiin SKA iyo Saarasan ayaa horay ugu fashilmay heshiisyo ay lagaleen dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Ishaqa Warbixinta Halkan Guji

Liibaan jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items