Sawirro: Al Shabaab oo (Sagaal Kun oo Dollar) Ku Abaal Marisay Arday Ku Tartamay Qur'aanka Kariimka.

Wednesday June 21, 2017 - 16:58:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab oo (Sagaal Kun oo Dollar) Ku Abaal Marisay Arday Ku Tartamay Qur'aanka Kariimka.

    Tartanka Quraanka Kariimka Wilaayaadka islaamiga ah Soomaaliya oo furmay Maalin Jimco ah oo ku beegnayd 23-kii Bishaan Ramadaan sanada1438 Hijriga ayaa si rasmi ah maanta loo soo gunaanaday iyadoo lagu dhawaaqay natiijada Tartanka kadibna La Abaal ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka Quraanka Kariimka Wilaayaadka islaamiga ah Soomaaliya oo furmay Maalin Jimco ah oo ku beegnayd 23-kii Bishaan Ramadaan sanada1438 Hijriga ayaa si rasmi ah maanta loo soo gunaanaday iyadoo lagu dhawaaqay natiijada Tartanka kadibna La Abaal mariyay ardayda kaalmaha hore galay iyo kuwa nasiibkoodu usaamixin inay kaalmaha hore Galaan.


Sanadkaan Tartanka waxaa marti galiyay maamulka islaamiga ah Magaalada Saakow ee Wilaayada Jubooyinka,waxaana ka qeybgalay 27 Arday oo ka socday Wilaayaadka Banaadir,Shabeelaha Hoose,Hiiraan,Gado,Galgaduud,Jubooyinka iyo Bay iyo Bakool.

Tartanka waxa uu ahaa mid xiiso leh waxaana lagu tartamay30-Juz 15-Juz iyo 10-Juzee Quraanka Kariimka.


 

30-ka Juzwaxaa ku tartamay 10 Arday,15-ka Juzwaxaa ku tartamay 9 Arday halka10-ka Juznaay ku tartameen 8 Arday.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdala Waaliga Jubooyinka,Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaliga Wilaayada Galgaduud,Waaliga Gado,Culumaaudiin,Odayaal dhaqan,Ganacsato ayaa ka qeybgalay xaflada hadiyadaha lagu bixinayay ee lagu abaalmariyay ardayda.

Dhageyso Warbixin Ka Hadlaysa Tartanka Wilaayaadka.

Hoos Ka Daawo Sawirrada




Related Items