Daawo Sawirro: Gaadiid Ciidamada AMISOM looga Gubay Dagaalkii Sh/Hoose iyo Warbixin Muhiim ah.

Sunday June 11, 2017 - 07:47:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Gaadiid Ciidamada AMISOM looga Gubay Dagaalkii Sh/Hoose iyo Warbixin Muhiim ah.

    Akhristayaasha sharafta leh waxaan usoo gudbinaynaa sawirro muuqaal guud ka bixinaya xaaladda goobihii dagaalka ee deegaanka Bariire oo shalay ay duullaan ku qaadeen ciidamo mareykan iyo AMISOM ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristayaasha sharafta leh waxaan usoo gudbinaynaa sawirro muuqaal guud ka bixinaya xaaladda goobihii dagaalka ee deegaanka Bariire oo shalay ay duullaan ku qaadeen ciidamo mareykan iyo AMISOM ah.

Sawiradan aad daawanaysaan waa Burburka gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada AMISOM oo yaal goobta dagaalka iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo maamulaya dhulkii lagu hardamay.

Waa Muuqaallo xaqiiq ah oo banaanka soo dhigaya jabka gaaray soo duulayaasha iyo sida muslimiintu u difaacdeen dhulka shareecada Islaamka lagu maamulo ee Sh/Hoose.

Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo shacabka kula hadlay degmada Bariire ayaa sheegay in jab iyo naasabeel usoo galay xulufadii duullaanka kusoo qaaday wilaayada Islaamiga Sh/Hoose.

 

Laba Gaari ayaa ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka Mareykanku tababaray looga gubay dagaalka, gaari Cabdi Bile ah ayaa ku basbeelay qarax lagula helay duleedka Bariire balse ciidamada Mareykanka iyo Soomaalida ayay usuurtaga gashay in ay jiitaan.

Gaariga laga gubay ciidamada AMISOM ayaa yaal deegaanka Bariire waxaana ku dhintay ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha Midowga Afrika sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sawirro lagasoo qaaday goobta gaariga Taawga ah ku gubtay waxay muujinayaan khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray cadawga, sida dhiig dhulka daadsan iyo agabyo caafimaad oo ay ka carareen waxaana kamid ah faashadii dhiig leh.

Khasaaraha gaaray ciidamada AMISOM aad ayuu ubadnaa dhanka Jabadda Bariire balse waxaa jira dagaallo culus oo ka dhacay duleedka Janaale halkaasi oo laba gaari looga gubay cadawga, dhammaan deegaanadii lagu dagaallamay waxaa maamulaya ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/hoose.

Cadawga Jinsiyadaha kala duwan leh ee isugu jiray Mareykanka iyo AMISOM ayaa dib ugu laabtay saldhigyadii ay ka duullaan tageen iyagoo guuldarraystay.


Hoos Ka Daawo Sawirrada


http://somalimemo.net/sawirro/DSC04434.JPG

































Related Items