Sheekh Abuu Cabdalla " Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Waa Mamnuucday Ka Ganacsiga iyo Ugaarsiga Xayawaanaatka Duur Joogta Ah".

Monday January 09, 2017 - 08:10:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Abuu Cabdalla " Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Waa Mamnuucday Ka Ganacsiga iyo Ugaarsiga Xayawaanaatka Duur Joogta Ah".

    War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska waaliga wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Sheekh Max'med Abuu Cabdalla ayaa lagu mamnuucay ugaarsi sharci darrada ah ee xayawaanaatka duur joogta qeybahooda kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska waaliga wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Sheekh Max'med Abuu Cabdalla ayaa lagu mamnuucay ugaarsi sharci darrada ah ee xayawaanaatka duur joogta qeybahooda kala duwan.

Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka waxay sheegtay in ciddii lagu helo iyadoo si sharci darra ah ugaaranaysa xayawaanaatka tallab shareecada Islaamka waafaqsan laga qaadi doono.

Magaalada Jilib waxaa lagu xanaanaynayaa tobaneeyo katirsan xayawaanka libaaxa iyo duur joog kale oo lagasoo dhiciyay dad si sharci darra ah uga ugaarsanayay dhulka howdka ah ee Jubbooyinka.

Maamulka Islaamiga Jubbooyinka wuxuu sheegay in aan la ogolayn in xayawaanka duur joogta ah la nabaad guuriyo oo laga ganacsado, dad ku lug lahaa dabar goynta xayawaanaatka ayaa gacanta lagu dhigay halka kuwa kale laga masaafuriyay Jubbooyinka.


Idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa lagasii daayay warka kasoo baxay Waaliga Jubbooyinka ee lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo dhibaateynta dhammaan xayawaanka duur joogta ah.

Kumanaan katirsan xayawaanaatka duur joogta ayaa isaga hayaamay dalka Soomaaliya kadib markii rasaas loo adeegsaday halka kuwa kale ay qarka usaaranyihiin in ay dabar go’aan sida Maroodiga iyo Gariga, qaar katirsan ganacsatada Soomaalida ayaa wadamo dibadda ah u iibgeeya Liibaaxa goodirka iyo ugaar kale oo ay ka xaalufiyeen dhulka howdka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items