Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Xiriir Dhan Walba ay la yeelanayso Maamulka Yahuudda.

Monday January 09, 2017 - 08:10:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Xiriir Dhan Walba ay la yeelanayso Maamulka Yahuudda.

    Dowladda Itoobiya ayaa sare uqaadday xiriirka kala dhaxeeya maamulka Yahuudda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Filasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa sare uqaadday xiriirka kala dhaxeeya maamulka Yahuudda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Filasdiin.

R/wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Dessalines ayaa sheegaya in xukuumaddiisu ay kordhisay iskaashiga caalamiga ah ee ay laleedahay Yahuudda.

Isagoo magaalada Addis Ababa kulan kula qaadanayay Joseph Hiviln oo ah madaxa machadka Jaile ee maamulka caalamiga Yahuudda ayuu sheegay in Itoobiya ay ‘israa’iil’ ka kaashan doonto arrimaha amniga, isgaarsiinta, beeraha iyo xiriirka caalamiga ah.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa Yahuudda kaga mahad celiyay sida ay u tayeeyeen kaalmada ay siiyaan xukuumaddiisa "Itoobiya iskaashi dhan walba ah ayay la yeelanaysaa Israa’iil ah oo ah dowlad saaxiib la ah shacabka Itoobiya” ayuu yiri Haile Mariam.


R/wasaaraha Yahuudda ayaa sanaddii lasoo dhaafay booqasho ku tagay sedax wadan oo dhaca bariga qaaradda Afrika kuwaasi oo kala ah Itoobiya,Uganda iyo Kenya oo dhammaantood duullaan gardarra ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Telefeshinka Al Jazeera ayaa baahiyay in sirdoonka Yahuudda ee Mossaadka loo yaqaan uu laama ammaanka Kenya iyo Uganda ka gacansiiyo la dagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items