Ciidamo Fallaagoobay oo Qabsaday Afar Magaalo oo Katiran Wadanka Ivory Coast.

Sunday January 08, 2017 - 18:27:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Fallaagoobay oo Qabsaday Afar Magaalo oo Katiran Wadanka Ivory Coast.

    Kumanaan katirsan ciidanka Melleteriga wadanka Ivory Coast ayaa la wareegay intabadan magaalooyinka ugu waaweyn wadankaasi dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidanka Melleteriga wadanka Ivory Coast ayaa la wareegay intabadan magaalooyinka ugu waaweyn wadankaasi dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Wararka ka imaanaya Ivory Coast ayaa sheegaya in ciidamo gadooday ay qabsadeen Afarta magaalo ee wadanka ugu waaweyn uguna dhaqaala badan.

Ciidamada Gadoodsan waxay sheegeen in ay la wareegeen maamulka magaalooyinka ay qabsadeen waxayna wadahadal ugu baaqeen xukuumadda dabadhilifka ah ee wadankaasi kajirta.

Magaalooyinka ay ciidamada melleteriga qabsadeen waxaa kamid ah magaalada Bawaakii oo dhacda bartamaha wadanka islamarkaana ah magaalada ugu weyn wadanka Ivory Coast.


Ciidamada fallaagoobay ayaa xukuumadda ka dalbaday in mushaarka ay u kordhiso oo askari walba ay siiso lacag dhan Sideed kun oo dollar iyo guryo ay degaan, wasiirka difaaca dowladda Ivory Coast ayaa xaqiijiyay in ciidamada gadooda ay maamulayaan illaa iyo afar magaalo wuxuuna ugu baaqay in ay ilaaliyaan deganaashiyaha wadankas.

Telefeshinka afka xukuumadda ku hadla wuxuu sheegay in ciidamada gadoodka sameeyay ay melleteriga ku biireen sanaddii 2009 xilligaasi oo wadanka uu kujiray xaalad kala guur ah kadib markii la riday madaxweynihii kaligii taliska ahaa ee Looran Baakbuu.

Madaxweynaha Ivory-Coast Al Xassan Tawataar ayaa xaqiijiyay in ciidanka fallaagoobay ay sii daayeen wasiirkii difaaca oo ay qafaasheen maalintii jimcaha, sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda Abid-Jaan ay u hoggaansamayso dalabaadka Melleteriga Fallagada ah.

Wadanka Ivory Coast ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika wuxuu isbahaysi dhow laleeyahay dowladaha Faransiiska iyo Mareykanka.

Related Items