Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Saturday January 07, 2017 - 13:06:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

    Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo caawa Maqribkii lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad katirsan DF-ka degmada Hodon ee galbeedka Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo caawa Maqribkii lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad katirsan DF-ka degmada Hodon ee galbeedka Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyo is xigxigay ay ka dhaceen goob ay ku xoonsanaayeen ciidamo katirsan kuwa sirdoonka Dowladda Federaalka ee Nabad sugidda loo yaqaan.

Ugu yaraan 6 Askari ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxyada iyo dhaawaca tira intaasi ka badan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyada kadib ay ciidamada la weeraray ay Rasaas ku fureen shacab Rayid ah oo ku socdaalayay wadada hareeraheeda waxaana rasaastaasi ku dhintay ugu yaraan sedax qof.


Warbaahinta Maxalliga magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dadka dhintay ee shacabka ah qaarkood ay ka shaqeynayeen goob laga cunteeyo oo ay ugu tagtay rasaasta ay fureen ciidanka dowladda Federaalka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa umuuqda mid faraha kasii baxaya qaraxyada lala eegto isku imaatinada ciidanka DF-ka ku suganyihiin iyo saldhigyada ciiadamada AMISOM ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay kusii xoogaysanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items