5 Qof Mareykan Ah oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Gobolka Florida.

Saturday January 07, 2017 - 08:20:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Qof Mareykan Ah oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Gobolka Florida.

    Maamulayaasha wadanka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in toogasho ka dhacday garoon diyaraadeed oo caalami ah lagu dilay ugu yaraan 5 qof American ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulayaasha wadanka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in toogasho ka dhacday garoon diyaraadeed oo caalami ah lagu dilay ugu yaraan 5 qof American ah.

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in toogasho uu geystay ruux American ah ay dhalisay dhimashada 5 qof iyo dhaawaca 13 kale sida uu xaqiijiyay taliyaha booliska gobollka Florida.

Toogashada ayaa dhacday xilli boqolaal qof rakaab ah ay isku dayayeen in ay ka dhoofaan garoonka ugu ballaaran gobolka Floorida.

Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in ruuxa weerarka gaystay uu si aan kala sooc laheyn u toogtay goob ay dad shacab ah ku sugnaayeen isagoona dilay dad ay kamid yihiin haween iyo carruur.


Cabsi iyo xaalad fajac ah ayaa usoo gashay boqolaal qof Mareykan ah oo xiligii toogashadu dhacaysay ka dhoofayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee "Foort Loorardiil”.

Mas’uul katirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ruuxa weerarka gaystay oo kujira da’da labaatameeyada uu adeegsanaya aqoonsiyada ay caanka ku yihiin ciidanka melleteriga Mareykanka.

Shabakada MSNBC ee laga leeyahay Mareykanka ayaa baahisay muuqaal muujinayay saraakiisha ammaanka oo meel ku kulminaya dadkii rakaabka ahaa ee garoonka ka dhoofi lahaa xilligii ay toogashadu socotay iyagoona u diiday in ay ka baxaan garoonka.

Warbixino kale oo ay faafisay dowladda Mareykanka ayaa sheegaya in ruuxa toogashada ka geystay uu ka sheeganayay cudurro dhanka maskaxda ah islamarkaana uu safar dheer kaga yimid gobollada Alaska iyo Canada.

Hubka uu toogashada ku geystay ayay baarayaashu sheegayaan in uu kusoo dhax qariyay boorsadiisa gaarka ah.

Boqolaal qof ayaa sanad walba toogasho ay geystaan rag hubeysan ugu dhinta gudaha dalka Mareykanka, Brack Obama Hoggaamiyaha waqtigiisu sii damaanayo ee xukuumadda Washington ayaa horay ugu guul darraystay soo saaridda sharci xakamaynaya hubka gacmaha ugu jira dadka Mareykanka.

Related Items