Askari Katirsanaa Melleteriga DF-ka oo lagu Dilay Isgoyska KM4 Ee Degmada Hodon.

Thursday January 05, 2017 - 08:24:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Katirsanaa Melleteriga DF-ka oo lagu Dilay Isgoyska KM4 Ee Degmada Hodon.

    Mid kamida ciidamada Nabad sugidda dowladda Federaalka ayaa toogasho ugeystay Askari kale bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida ciidamada Nabad sugidda dowladda Federaalka ayaa toogasho ugeystay Askari kale bartamaha magaalada Muqdisho.


Wararka ka imaanaya isgoyska KM4 ee degmada Hodon ayaa sheegaya in Askari katirsan Ashahaadda ladirirka ee Nabad sugidda loo yaqaan uu dil bareer ah ugeystay askari katirsan melleteriga.

Goob joogayaal ayaa sheegay in labada askari ay isku qabteen lacago baad ah oo ay ka qaadeen gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliyaha xarunta CID-da ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen askariga dilka geystay islamarkaana ay dhowaan maxkamad soo taagi doonaan.


Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamo katirsan DF-ka ay isku dilaan gudaha magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items