2 Askari oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Miir-Taqwa ee Gobolka Sh/dhexe.

Thursday January 05, 2017 - 08:24:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Askari oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Miir-Taqwa ee Gobolka Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday deegaan hoos yimaad degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax lala beegsaday gaari ciidan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday deegaan hoos yimaad degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Qaraxa oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Miirtaqwa ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay maleeshiyaadka katirsan DF-ka.

Qaraxa oo ka dhashay miino lagu aasay goob isbaaro ah oo ay gaadiidka dadweynaha lacago baada ah uga qaadayeen waxaa ku dhintay 2 Askari iyadoona sedax kale dhaawacyo kasoo gaareen.

Mid kamida askarta dhimatay ayaa ahaa sarkaal katirsanaa maamulka deegaanka Biya Cadde oo ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeyaha AMISOM sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, sarkaalka oo magaciisa lagusoo gaabiyay "SOOL" ayaa caan ku ahaa la shaqeynta ciidamada Burundi.



Bilihii November iyo December 2016 gobolka Sh/dhexe waxaa ka dhacay weeraradii ugu xooganaa ee lagu beegsado ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka Dowladda Federaalka kuwaasi oo duullaan ku qaaday deegaano hoos yimaad magaalada Mahadaay.

Weerarada qaraxyada ah ee loo adeegsado miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa halakeeyay isku socodka gaadiidka ciidanka shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items