Meydadka Dalxiisayaal reer Galbeed ah oo Kusoo Caariyay Xeebta Magaalada Marka Ee Sh/Hoose.

Tuesday January 03, 2017 - 19:59:48 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka Dalxiisayaal reer Galbeed ah oo Kusoo Caariyay Xeebta Magaalada Marka Ee Sh/Hoose.

    Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo mas'uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab Meydadka dad caddaan ah ayaa laga helay meel ku dhow marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo mas'uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab Meydadka dad caddaan ah ayaa laga helay meel ku dhow marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

Meydadkan oo jirkooda laga dareemayay dhaawacyo soo gaaray intii ay badda dhax sabeynayeen ayaa kusoo caariyay deegaanka Gandershe oo dhanka Bari uga began magaalada Marka.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab Meydadka dad caddaan ah ayaa laga helay meel ku dhow marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

Maamulka Islaamiga deegaanka Gandershe ayaa sheegay in uu Meydadka laba ruux caddaan ah kasoo qaaday xeebta kadibna lagu aasay isla deegaanka.


Mas’uuliyiinta deegaanka waxay sheegeen in Meydadka Nin iyo Naag caddaan ah laga helay xeebta, Meydadka caddaanka ah ee la helay ayay baddu soo tuftay waxayna umuuqdeen in ay ahaayeen dalxiisayaal reer galbeed ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydka Haweenayda caddaanka ah ee lahelay qoorta iyo gacmaha uu uga xirnaa dahab farabadan sida Katiinado ,dhowr faraanti iyo koorayaal dhammaantood dahab ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydadka Ninka iyo naagta caddaanka ah ee lahelay ay ku labisnaayeen dharka ay caanka ku yihiin dalxiisayaasha reer galbeedka ah.

Illaa iyo hadda lama aqoonsan heybta dadkan caddaanka ah ee kusoo caariyay xeebta magaalada Marka ee Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items