Wasiirka Arrimaha dibadda "Laba Sanadood ayaan deganaa Hoteelka Peace ee Al Shabaab ka Fulisay Weerarka waana arrin la yaab leh".

Tuesday January 03, 2017 - 10:07:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha dibadda "Laba Sanadood ayaan deganaa Hoteelka Peace ee Al Shabaab ka Fulisay Weerarka waana arrin la yaab leh".

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la shaqeysa shisheeyaha dalka kusoo duulay ayaa qirtay in weeraradii shalay Muqdisho ka dhacay ay ahaayeen kuwii ugu xooganaa Abid ee caasimadda soo mara islamarkaana beegsaday halbowlayaasha AMISOM iyo Q.Midoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la shaqeysa shisheeyaha dalka kusoo duulay ayaa qirtay in weeraradii shalay Muqdisho ka dhacay ay ahaayeen kuwii ugu xooganaa Abid ee caasimadda soo mara islamarkaana beegsaday halbowlayaasha AMISOM iyo Q.Midoobe.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weeraradii is xigxigay ee ka dhacay Hotel Peace ay sababeen khasaara xooggan oo soo gaaray askar iyo saraakiil isagoona xaqiijiyay in goobta la beegsaday ay aheyd goob shacabka rayidka ah ka caaggan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee DF-ka Cabdi Salaam Cumar Hadliye oo isna ka hadlay weerarkii Hoteelka Nabadda ayaa sheegay in waxa goobta ka dhacay ay isaga ku beereen layaab iyo fajac.


Hadliye ayaa ka shanqariyay in isaga qudhiisa uu muddo laba sanadood ah deganaa Hotel Peace balse markii uu weerarku dhacayay uu ka maqnaa.

Wuxuu sheegay in xarakada Al Shabaab ay adeegsaday xeelad heer sare ah marka loo eego sida ay u xulatay hadafka iyo sida ay uga gudubtay koontaroolo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo weerarka Mas’uul ka aheyd ayaa sheegtay in 30 askari oo isugu jiro AMISOM shaqaalaha Q.Midoobe ay ku dishay weerarkii shalay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items