Sawir: Mucaaradka Itoobiya oo soo Bandhigay Awood Melleteri oo la dagaalanta Nidaamka Addis Ababa.

Monday January 02, 2017 - 08:42:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir: Mucaaradka Itoobiya oo soo Bandhigay Awood Melleteri oo la dagaalanta Nidaamka Addis Ababa.

    Markii ugu horraysay xoogaga kacdoonka ka wadanka Itoobiya ayaa soo bandhigay awoodooda melleteri iyo deegaanada ay ka qabsadeen Taliska Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay xoogaga kacdoonka ka wadanka Itoobiya ayaa soo bandhigay awoodooda melleteri iyo deegaanada ay ka qabsadeen Taliska Addis Ababa.

Wararka ka imaanaya galbeedka Itoobiya waxay sheegayaan in kacdoonka shacbiga ah uu maalinba maalinta ka dambeysa uu iskusii bedelayo mid hubeysan.

Inta badan qabaa’illada Qowmiyadda Oromada ayaa ku biiray jabahadaha hubeysan ee hubka u sita sidii xukunka looga tuuri lahaa Taliska Tigreega.

Galbeedka Itoobiya hadda waa meesha ugu daran oo ay caqabadaha kala kulmayso xukuumadda Itoobiya, qowmiyadda Amxaarada ayaa dhisatay unugyo hubeysan oo dagaal kula jira ciidanka melleteriga.



http://f.top4top.net/p_367ot58s1.jpg

Kooxda Jimbot 7 ee ka dagaalanta magaalada Gonder ayaa baraha internetka kusoo bandhigtay sawirro muujinaya ciidamo hubeysan oo ku sugan jiidda dagaalka.

Saraakiisha Mucaaradka waxay sheegayaan in Jimbot7 ay taageero baaxad leh ka heshay dadka deegaanka oo xasuuq kala kulmay ciidamada booliska ee sida melleteriga utababaran.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa wareysi uu bishii lasoo dhaafay siiyay Telefeshinka Aljazeera wuxuu ku sheegay in kooxda Jimbot 7 ay taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed ka hesho dowladda Masar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items