35 Qof oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Xarun Lagu Caweynayay oo Ku taal Magaalada Istanbul Ee Wadanka Turkiga.

Sunday January 01, 2017 - 08:26:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    35 Qof oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Xarun Lagu Caweynayay oo Ku taal Magaalada Istanbul Ee Wadanka Turkiga.

    Ugu Yaraan 35 qof ayaa ku dhintay 40 kalane dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray kadib markii weerar hubeysan oo lagu qaaday goob ay ku cawinayeen dad faasiqiin ah bartamaha magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu Yaraan 35 qof ayaa ku dhintay 40 kalane dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray kadib markii weerar hubeysan oo lagu qaaday goob ay ku cawinayeen dad faasiqiin ah bartamaha magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Wararka ka imaanaya Istanbul ayaa xaqiijinaya in ruux hubeysan uu xoog ku galay goob lagu raaxaysto oo xiligaasi ay ka dhacayeen dabaal degyada sanadka cusub ee miilaadiga 2017.

Duqa magaalada Istanbuul Waasif Shaahen ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku dhintay weerarka 16 kamid ah ay yihiin ajaanib usoo dalxiis tagay wadanka Turkiga.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ruuxa hubeysan ee weerarka gaystay uu xoog ku galay xarun ay xiligaasi ka dhacayeen dabaal degyo kadibna uu toogtay mid kamida ciidankii ilaalada ka ahaa illinka goobta cawayska.


Ruuxa weerarka gaystay ayaa mid mid u toogtay dadkii caweynayay, Video lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay xaalad cabsi leh oo ka taagan goobta cawayska iyo Meydadka dad caddaan ah oo daadsan qolalka cawayska.

Dowladda Turkiga ayaa lacago malaayiin dollar ah sanad walba ka hesha dadka reergalbeedka ee usoo dalxiis taga magaalooyinka kala duwan ee wadankaasi.

illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay magaalada Istanbul waana weerarkii ugu horreeyay ee dhaca sanadda 2017.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items