Madaxweynaha Burundi oo Sheegay in Ciidamadiisa uula kala Baxayo Soomaaliya Bisha Janaayo sanadda 2017.

Saturday December 31, 2016 - 08:49:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Burundi oo Sheegay in Ciidamadiisa uula kala Baxayo Soomaaliya Bisha Janaayo sanadda 2017.

    War rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada wadanka Burundi ayaa lagu sheegay in kumanaan katirsan melleteriga wadankaas lagasoo saari doono dalka Soomaaliya oo ay duullaan ku joogaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada wadanka Burundi ayaa lagu sheegay in kumanaan katirsan melleteriga wadankaas lagasoo saari doono dalka Soomaaliya oo ay duullaan ku joogaan.


Pierre Nkurunziza madaxweynaha Burundi ayaa ugu hanjabay dowladaha reer galbeedka in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo qaadan doono haddii aan lasiin lacago mushaar ah oo muddo 10 bilooad ah aan lasiin.

Madaxweynaha Burundi oo wareysi siiyay Telefeshinka ABC News ayaa xaqiijiyay in ciidamadiisu ay ku jiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay oo ay uga baxayaan soomaaliya haddii aan lacag mushaar ah lasiin horraanta sanadda 2017.



"Haddii beesha caalamka aysan bixin lacagaha mushaarka ah horraanta Bisha Janaayo ee sanadda 2017 waxaan ku qasbanaanaynaa in aan ciidankeena kalasoo baxno Soomaaliya” sidaas waxaa ABC News u sheegay madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Dowladda Burundi waxay walaac ka muujisay khasaaraha kasoo gaaraya weerarada joogtada ah ee melleteriga Burundi kasoo gaarayo weeraro maalmihii lasoo dhaafay lagula beegsanayay Koonfurta Soomaalia.

Pierre Nkurunziza ayaa qiray in xoogaga Al Shabaab ay isbuucyadii lasoo dhaafay weeraro khaara dhaliyay ku qaadeen ciidanka Burundi ee duullaanka ku jooga Soomaaliya balse faah faahin dheeri ah kama bixin tirada rasmi ah ah ee looga dilay weeraradaasi.

Midowga Afrika ayaa sheegay in 5,500 oo Askari ay dowladda Burundi uga qeyb qaadanayso duullaanka Ashahaadda ladirirka ah ee Soomaaliya lagusoo qaaday, sanaddii 2015 weerar ka dhacay deegaanka leego ee Sh/Hoose ayaa lagu dilay ku dhawaad 100 Askari Burundeys ah.

Halkan ka akhri isha Warka

Related Items