Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo isku day dil Ka Babaaday.

Saturday December 31, 2016 - 08:49:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo isku day dil Ka Babaaday.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Ugu yaqaan 9 qof oo dhammaantood ah Askar ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo mas’uul katirsan maamulka ‘Koonfur galbeed’ lala beegsaday.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in Cabdullaah Cali Watiin oo ah guddoomiyaha degmada Baydhabo uu si dirqi ah uga badbaaday isku day la doonayay in lagu khaarijiyo.

Gaari uu la socday guddoomiyaha Baydhabo ayuu qarax ku haleelay wadada xiriirisa deegaanka Awadiinle iyo magaalada Baydhabo waxaana qaraxa ku dhintay 5 Askari halka Afar kale ay ku dhaawacmeen.


Wariye ku sugan gobolka ayaa soo sheegay in guddoomiyaha magaalada Baydhabo uu qaraxa si dirqi ah uga baxsaday waxaana jira burbur xooggan oo soo gaarigii uu la socday, wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdullaahi Watiin oo xaalad shook ah laga dareemayo lageeyay madaxtooyada maamulka 'Koonfur galbeed' ee magaalada Baydhabo.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Shariif Sakiin oo ku saabsanb khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items