Qarax Khasaara Dhaliyay oo Ciidamada AMISOM Lagula Eegtay Deegaanka Calamada Ee Duleedka Muqdisho.

Thursday December 29, 2016 - 17:31:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay oo Ciidamada AMISOM Lagula Eegtay Deegaanka Calamada Ee Duleedka Muqdisho.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar ciidamada shisheeyaa AMISOM lagula beegsaday deegaan kaabiga ku haaya magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar ciidamada shisheeyaa AMISOM lagula beegsaday deegaan kaabiga ku haaya magaalada Muqdisho.


Wararka ka imaanaya deegaanka weynaha Ceelasha Biyaha ee galbeedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagula helay kolonyo katirsan ciidamada AMISOM.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah miino wadada lagu aasay ayaa haleeshay gaari Taaw ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan AMISOM xilli ay ku socdaalayeen halka loo yaqaan Calamada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga Taawga ah ee qaraxu haleelay dhammaantiisba uu ku gubtay wadada hareeraheeda.



illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin ciidamada Shisheeye oo ku aadda khasaaraha kasoo gaaray qaraxii maanta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]



Related Items