Itoobiya oo sheegtay in Ay Maalgelin iyo taageero siyaasadeed kala kulmayso wadamada Khaliijka Carabta.

Tuesday December 27, 2016 - 09:38:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo sheegtay in Ay Maalgelin iyo taageero siyaasadeed kala kulmayso wadamada Khaliijka Carabta.

    Dowladda Itoobiya ayaa ka warbixisay maalgelinta dhaqaale ee caadiga aheyn oo ay ka helayso dowladaha khaliijka carbeed xilli Itoobiya ay wajahayso mushkilad dhanka ammaanka iyo siyaasada ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed al-khadiib lataliyaha boqor salmaan ayaa Addis Ababa booqday
Dowladda Itoobiya ayaa ka warbixisay maalgelinta dhaqaale ee caadiga aheyn oo ay ka helayso dowladaha khaliijka carbeed xilli Itoobiya ay wajahayso mushkilad dhanka ammaanka iyo siyaasada ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa markii ugu horraysay faah faahiyay ujeedka socdaalka madax katirsan dowladaha khaliijka ay isbuucyadii lasoo dhaafay si aan horay loo arag ugu tagayeen Itoobiya.

Isagoo wareysi siinayay wargeyska Sharqal Awsat ee laga leeyahay dalka Sacuudiga ayuu sheegay in dowladdiisu ay maalgashi iyo taageero siyaasadeed ka heshay Sacuudiga iyo dowlado kale oo gacanka carbeed katirsan.

"Haa booqashooyin baahsan iyo diirad saarid dhanka iclaamka ah ayaan ka helnay dowladda sacuudiga ee aan saaxiibada nahay iyagoo fulinaya balanqaadkii uu horay usameeyay boqorka sacuudigaā€¯ayuu yiri wasiirka dibadda Sacuudiga.



Itoobiya waxay sheegtay in lacago boqolaal milyaar ah ay Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qadar ku maalgelinayaan mashaariic maxalli ah sida biya xireenka murunka badan dhaliyay ee Al Nahda.

Dawaaqiidda carbeed oo isku dayaya in ay badbaadiyaan nidaamka sii dhacaya ee Addis Ababa ayaa taageeradan ay Itoobiya siinayaan waxay uga caraysiinayaan C/Fataax Alsiisi hoggaamiyaha Masar oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Itoobiya.

lataliyaha Boqorka Sacuudiga Axmed Al-khadiib iyo wasiirka arrimaha dibadda Qadar ayaa isbuucii lasoo dhaafay booqday dhismaha mashruuca biya Xireenka wabiga Niil ee dalka Itoobiya arrinkaasi oo warbaahinta caalamka hadal haysay

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items