Trump "Q.Midoobe waxay isku bedeshay Naadi lagu caweeyo oo Waqtiga lagu lumiyo".

Tuesday December 27, 2016 - 09:38:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump "Q.Midoobe waxay isku bedeshay Naadi lagu caweeyo oo Waqtiga lagu lumiyo".

    Hoggaamiyaha Cunsuriga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Hay'adda Q.Midoobe ay isku bedeshay meel fadhi ku dirir iyo waqti lumis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Cunsuriga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Hay'adda Q.Midoobe ay isku bedeshay meel fadhi ku dirir iyo waqti lumis ah.

Donald Trump ayaa fariimo uu ku baahiyay barta Twitterka wuxuu ku jees jeesay waxa loogu yeero Q.Midoobe oo uu ku sifeeyay mid waqti lumis ah oo gabtay kaalintii loo aas-aasay.

"Q.Midoobe waxay aheyd meel muhiim ah laakin waxay isku bedeshay goob ay ku kulmaan shakhsiyaad oo ay wada sheekaysi iyo waqti lumis utagaan”ayuu yiri Trump.

Hoggaamiyaha cusub ee Mareykanka ayaa ballan qaaday in marka uu xukunka qabto uu waxbadan ka bedeli doono Q.Midoobe oo hadda uu ku sheegay meel fadhi ku dirir loo tago.


Caddeymo hor leh oo uu Trump siiyay wakaaladda wararka Mareykanka AP ayuu ku sheegay in qaraarkii dhawaan ay Q.Midoobe ku joojisay mashruuca deegaamaysiga Yahuudda dhulka Filasdiin uu ahaa mid sharci darro ah oo laga yaaq yaaqsado sida uu hadalka u dhigay.

Trump oo ku caan baxay cunsuriyad iyo islaam naceyb ayaa si aad ah uga carooday go’aankii Q.Midoobe ay ‘Isara’ill’ uga joojisay deegaamaysiga sharci darrada ah ee ay ka waddo magaalada Al-qudus.

Waxaa xusid mudan in Trump uu horay ubalan qaaday in marka uu xilka qabto booqashadiisa ugu horrayso ku tagi doono magaalada Ixtilaalka kujirta ee Alqudus si uu u muujiyo aqoonsigiisa maamulka Yahuudda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items