Dagaal Khasaara Dhaliyay oo Maleeshiyaad Kawada tirsan DF-ka ku dhaxmaray degmada Balcad.

Tuesday December 27, 2016 - 09:38:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Khasaara Dhaliyay oo Maleeshiyaad Kawada tirsan DF-ka ku dhaxmaray degmada Balcad.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dagaallo culus oo maleehiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray degmada Balcad iyo deegaan hoos yimaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dagaallo culus oo maleehiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray degmada Balcad iyo deegaan hoos yimaad.

Wararka ka imaanaya deegaanka Xawaadleey ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari ay ku dhinteen kadib dagaal culus oo laba maleeshiyo ku dhaxmaray goob isbaaro ah oo gaadiidka lacago baad ah looga qaado.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in maleeshiyaadku isku qabteen lacagaha laga qaado gaadiidka khudaarta udaabulo dhanka magaalada Muqdisho ee deegaanka Xawaadleey.

Dhinaca kale israasayn shalay gelinkii dambe ka dhacday gudaha degmada Balcad ayaa lagu dilay hal askari, ilo wareedyo ayaa sheegaya in colaad u dhaxaysa qaadista lacagaha ‘Canshuurta’ ay ka jirto degmada Balcad.



Maleeshiyaadka DF-ka ee Sh/dhexe oo muddo bilo aan wax mushaar ah qaadan ayaa ku loolamaya lacagaha baadda ah oo ay ka qaadaan gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items