Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab oo Digniin iyo Talooyin Ujeediyay Shacabka Ku Nool Magaalada Boosaaso.

Monday December 26, 2016 - 19:45:46 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab oo Digniin iyo Talooyin Ujeediyay Shacabka Ku Nool Magaalada Boosaaso.

    Taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay howlgallo taxana ahaa oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaano katirsan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya ee 'Puntland' loo yaqaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay howlgallo taxana ahaa oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaano katirsan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya ee 'Puntland' loo yaqaan.


Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka melleteriga ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus uga hadlay dilalkii Boosaaso iyo qaraxyo ka dhacay duleedka magaaladaasi ee khasaaraha badan dhaliyay.

Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab afhayeenka ciidamada Al Shabaab wuxuu fariin adag u diray ganacsatada iyo guud ahaan dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Ganacsatada ayuu ugu baaqay in ilaaladooda ka bedelaan dareyska ay qaataan maleeshiyaat-ka maamulka Puntland iyo in aysan faraha lasoo galin howlgalada Mujaahidiintu ka fulinayaan gudaha magaalada Boosaaso, waxa uu sidoo kale uga digay ganacsatada iyo guud ahaan dadka Boosaaso in ay la shaqeeyaan maleeshiyaatka maamulka gaala raaca isku magacaabay Puntland.



"cadawgu wuxuu rabaa in uu idin geliyo dagaal aan dagaalkiina aheyn mana ahan mid idiib haboon ee ka feejignaada in uu dagaalka idinkusoo jiido” ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.

Xarakada Al Shabaab waxay si qota dheer ula hadashay reer Boosaaso waxayna u sheegtay in cid walba oo maamulka ‘Puntland’ la shaqeysa una fududeysa beegsiga mujaahidiinta ay tallaab adag ka qaadi doonto.

"qof kasta oo deggan magaalada Boosaaso oo isku daya in uu mujaahidiinta marka ay howlgalka wadaan cayrsado oo daba orda oo uu qabto wixii soo gaara yuusan cid kale ku eedaynin, maxaa yeelay waa Nin caddeystay in uu cadawga garab u yahay, mujaahidiintu waa istish-haadiyiinta naftooda gacmaha ku sita” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Muscab.

Sheekh Abuu Muscab mar uu sii hadlayay ayuu yiri "Mujaahidiintu waxay amar uqabaan in ay tallaab ka qaadaan qof walba oo cadawga u sahla in uu qabto mujaahidiinta xilliga ay howlgal ka fulinayaan magaalada”.

Al Shabaab waxay shacabka Boosaaso u sheegtay in aysan cadaw ku aheyd oo ay ka shaqeynayso masaalixdooda sida in ay ka xureeyaan maamulka gumeysiga Itoobiya raacsan.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Taliska ciidanka Al Shabaab ay si faah faahsan uga hadlaan howlgallada ay ka wadaan gobolka Bari, mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa dhowr mar isku dayay in uu iska horkeeno xarakada iyo shacabka balse waxaa muuqata in qorshahaasi fashilmay.

Halkan ka degso Baaqa iyo digniinta Abuu Muscab ee Reer Boosaso ku Wajahan MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]




Related Items