Ciidanka DF-ka oo lagala Wareegay Deegaanka Kabtan-laas Ee Gobolka Sh/Hoose.

Monday December 26, 2016 - 08:47:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka DF-ka oo lagala Wareegay Deegaanka Kabtan-laas Ee Gobolka Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus kadib ay ciidamada Xarakada Al Shabaab si buuxda ula wareegeen deegaan hoos tagay degmada Marka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus kadib ay ciidamada Xarakada Al Shabaab si buuxda ula wareegeen deegaan hoos tagay degmada Marka.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa la heegay in ay dagaal qorsheeyay ku qaadeen deegaanka Kabtan-laas oo fariisin ciidan ay kuleeyihiin maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka ee shisheeyaha la shaqeya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay dagaal culus kadib la wareegeen Tuulada Kabtan-Laas halka ciidankii dowladda Federaalka ay u firxadeen dhanka deegaanka Shalaanbood oo saldhig melleteri ay ku leeyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM.



Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay deegaano katirsan gobolka Sh/hoose, idaacadda Andalus ee Afka xarakada Shabaab ku hadasha ayaa xaqiijisay in Kabtan-laas uu ka baxay gacanta cadawga.

Agabyo ay ka carareen maleeshiyaadka iyo goobihi ay qoraxda kaga gabanayeen ayaa dab la qabadsiiyay iyadoona la bur buriyay difaacyo halkaasi maleeshiyaadku kulahaayeen sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Degmooyin iyo deegaano katirsan gobolka Sh/Hoose waxaa kajira maamullo islaami ah kuwaasi oo soo rogay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items