Dhageyso: Xarakada Al Shabaab iyo Juffada Gaabane Ee Reer Xaaji Saleebaan oo Heshiis ka Gaaray Colaaddii Gobolka Mudug.

Saturday January 07, 2017 - 18:13:26 in Wareysiyo iyo Warbixinno by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Xarakada Al Shabaab iyo Juffada Gaabane Ee Reer Xaaji Saleebaan oo Heshiis ka Gaaray Colaaddii Gobolka Mudug.

    Kadib Kulan ballaaran oo 11-kii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn lasoo gunaanaday colaaddii u dhaxaysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Jufada Gaabane ee Reer Xaaj

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore kulan ka dhacay Xarardheere
Kadib Kulan ballaaran oo 11-kii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn lasoo gunaanaday colaaddii u dhaxaysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Jufada Gaabane ee Reer Xaaji Saleebaan.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin katirsan xarakada SHM, wilaayada Islaamiga Mudug salaadiin iyo waxgarad katirsan beesha Reer Xaaji Saleebaan.

Shirka lagusoo gunaadaday Xarardheere ayaa xal waara looga gaarayay dagaalkii cuslaa ee dhaxmaray Jufada Gaabane ee katirsan beesha Xaaji Saleebaan kadib markii ay diiday in ay bixiso xoolaha Zakawaatka kadibna ay ciidanka Xarakada Al Shabaab tallaab shareecada islaamka waafaqsan ka qaadeen.


Qodobada lagu heshiiyay oo 11 qodob ka koobnaa waxaa kamid ahaa in Jufada Gaabane ay ka qeyb qaadato dagaalka Jihaadka ah ee lagula jiro shisheeyaha in ay bixiso Zakada waajibka ku ah in ay ka baraa’a qaadato dhammaan maamullada Soomaalida ee Itoobiya iyo AMISOM ku xiran iyo in ay u hoggaansanto ku dhaqanka shareecada islaamka iyo in dhulka ay ka degto Galguduud iyo Mudug aysan kusoo dhaweyn ‘Murtadiinta’ oo loola jeedo maamulka Galmudug iyo DF-ka.

Sheekh Abuu Cadnaan waaliga Mudug oo isna madasha heshiiska ka hadlay ayaa sheegay sida ugu dhaqsida badan ay Mujaahidiinty gurmad ula gaari doonaan deegaanada Beesha Gaabane degto ee gobolka Mudug islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan dib udajinta qoysaskii ku barakacay dagaalka.

Nabadoonka beesha Gaabane ee Reer Xaaji Saleebaan oo isna bayaanka akhriyay ayaa ballanqaaday in beeshu aysan mardambe dib ugu laaban doonin khaladkii ka dhacay.

Halkan ka dhageyso Nabadoon Cali Macalin Xasan oo Bayaanka Heshiiska Akhriyay MP3

Halkan ka dhageyso Sheekh Abuu Cadnaan Waaliga Mudug MP3

Salaadiin iyo waxgarad ka socday beelaha Soomaaliyeed oo madasha shirka ku sugnaa ayaa soo dhaweeyay go'aanada soo baxay waxayna beelaha kale kula dardaarmeen in ay sare u qaadaan taageerida halganka dalka ka socda ayna horseed u noqdaan ku dhaqanka shareecada islaamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items