Mareykanka oo Dadkiisa Uga Digay in Ay Usafraan Wadamada Urdun iyo Masar.

Saturday December 24, 2016 - 12:04:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Dadkiisa Uga Digay in Ay Usafraan Wadamada Urdun iyo Masar.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in xaalad halis dhanka ammaanka ah ay wajahayaan muwaadiniinta Mareykanka ee mandiqadda 'Bariga dhexe'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in xaalad halis dhanka ammaanka ah ay wajahayaan muwaadiniinta Mareykanka ee mandiqadda 'Bariga dhexe'.

Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa uga digay in ay usafraan wadamada Urdun iyo Masar kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in weeraro lala maaganyahay.

"muwaadiniinta Mareykanka waxaa looga digayaa in ay usafaraan Urdun iyo Masar halkaasi oo kooxo Argagaxisa ah qorshanayaan in ay weeraraan”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.

Xukuumadda Washington waxay sheegeen in khatar heerkeedu sareeyo lagasoo calaamadeeyay dhanka wadanka Urdun oo todobaadkii lasoo dhaafay uu ka dhacay weerar lagu dilay Nin daliixse ah oo u dhashay dalka Canada.



Dhanka Masar ayay Mareykanku uga digeen muwaadiniintiisa in ay booqdaan Jaziirad u ekaha gobolka Saynaa iyo Saxaraha galbeed oo ay kuyaallaan inta badan macaabid ay dadka reergalbeedka ah u dalxiis tagaan.

Dowladda Mareykanka oo duullaan gardarra ah ku qaaday wadamada caalamka islaamka ayaa wadnaha farta ku haysa in meel walba lagu beegsado muwadiniinteeda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items