Rasaas lagu furay Safaaradda Mareykanka ee Ankara iyo Safaaradda oo la xiray.

Tuesday December 20, 2016 - 12:48:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasaas lagu furay Safaaradda Mareykanka ee Ankara iyo Safaaradda oo la xiray.

    Safaaradda Mareykanka ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta albaabada la isugu laabay ka dib markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday safaaradda inkasto ilaa hadda aan la soo sheegin khasaare ka dhashay weerarkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta albaabada la isugu laabay ka dib markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday safaaradda inkasto ilaa hadda aan la soo sheegin khasaare ka dhashay weerarkaasi.

Booliska Turkiga ayaa sheegay in nin hubeysan oo ilaa hadda aan heybtiisa la garan uu rasaas oodda kaga qaaday dhismaha Safaaradda, basle Boolisku waxey sheegeen wax khasaare ah in aysan geysan rasaastaasi.

Masuuliyiinta Safaaradda Mareykanka oo la argagaxay weerarka ayaa shaaciyay in ay xireen safaaradda ilaa amar danbe, waxaana sidoo kale albaabada la isugu laabay qunsuliyaddii Mareykanka ee magaalooyinka Istanbul iyo Addana ee isla dalka Turkiga.


Weerarkan lagu qaaday safaaradda Turkiga ayaa imaanaya saacado ka dib dil isla magaalada Ankara xalay loogu geystay safiirkii Ruushka ee Turkiga kaas oo muuqaalladiisa laga daawaday Adduunka iyadoo dhowr xabadood lala dhacayo, halka ninkii dilay isagana ay toogteen Ciidamada Ammaanka.

Related Items