Tobaneeyo Askari oo Lagu Dilay Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Banghazi Ee Bariga Wadanka Liibiya.

Monday December 12, 2016 - 07:27:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tobaneeyo Askari oo Lagu Dilay Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Banghazi Ee Bariga Wadanka Liibiya.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dagaal ooge khaliifa Xiftar kasoo gaaray dagaallo iyo qaraxyo ka dhacay Bariga wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dagaal ooge khaliifa Xiftar kasoo gaaray dagaallo iyo qaraxyo ka dhacay Bariga wadanka Liibiya.

Wararka ka imaanaya magaalada Banghazi oo ah caasimadda 2-aad ee wadanka Liibiya ayaa sheegaya in tobaneeyo katirsan maleeshiyaadka howlgalka Al-karaamah lagu dilay silsilado qaraxyo ah.

Ugu yaraan 13 Askari oo 5 kamid ah ay ahaayeen hoggaamiyaal melleteri ayaa lagu dilay qaraxyo ka dhacay mandiqadaha kala ah Buu Saneyt iyo Qunfuudah oo dhaca Galbeedka iyo waqooyiga magaalada Banghazi.

Telefeshinka Al Jazeera ayaa baahiyay in 20 askari ay ku dhaawacmeen qaraxyada, askarta iyo saraakiisha la beegsaday waxay katirsanaayeen guutada ciidanka gaarka ah ee qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.


Khasaarahan gaaray ciidamada Khaliifa Xiftar waxay imaanayaan laba maalin kadib markii qaraxyo isla Banghazi ka dhacay lagu dilay 8 askari.

Xiftar oo ah Jeneraal isku magacaabay la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada Liibiya ayaa dadaal ugu jira sidii uu xoogaga islaamiga iyo kacdoonka ugala wareegi lahaa Banghazi iyo hareeraheeda wuuuna taageera caalami ah ka heystaa wadamada reer galbeedka iyo dowladaha khaliijka carbeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items