Sawirro+Dhageyso: Xaflad Lagu Soo Xirayay Tartankii Shiishka Odayaasha Oo Ka Dhacday Jilib.

Sunday December 11, 2016 - 11:18:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Dhageyso: Xaflad Lagu Soo Xirayay Tartankii Shiishka Odayaasha Oo Ka Dhacday Jilib.

    Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxaa lagusoo gaba gabeeyay Tartan dhanka shiish-ka ah oo loo qabtay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jubbooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxaa lagusoo gaba gabeeyay Tartan dhanka shiish-ka ah oo loo qabtay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jubbooyinka.

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo magaalada Jilib ka dhacday ayaa lagusoo xirayay tartankii shiishka ama liifka ee maalmihii u dambeeyay ka socday wilaayada jubbooyinka.

Gudidii soo qabanqaabisay tartanka ayaa ku dhawaaqay natiijooyinka tartanka iyagoo u kala qaaday tartarnka qoriga AK47 iyo Leebka iyo Qaansada, halkaasina waxa laga sheegay ragga ku guulestay kaalmaha hore ee tartanka.

Xasan Daahir oo ka socday Beesha Marreexaan ayaa kaalinta koowaad ka galay tartanka liifka qoriga Ak47. waana ninka hadda sawirkiisa aad kor ku aragtaan.


Sheekh xasan xaashi oo ka socday beesha Muddolood ayaa kaalinta labaad galay.

Kaalinta saddexaad waxa isla galay Muumin Maxamed oo ka socday beesha Cowromale iyo suldaan Khamsa oo ka socday beesha Jareerwayne.

Dhinaca qaansada waxa kaalinta koowaad galay Cabdulle Cabdi Cigaal oo u tartamayay beesha Murursade. Kaalinta 2aad waxa galay Xuseen Xaaji cismaan oo ka socday Beesha Sheekhaal ah.


Halkan Ka Dhageyso Sida Xaflada U Dhacday.

Daawo Sawirada Xaflada.

xaflad-tartan-shiishka1
xaflad-tartan-shiishka2xaflad-tartan-shiishka3xaflad-tartan-shiishka4xaflad-tartan-shiishka5xaflad-tartan-shiishka6xaflad-tartan-shiishka7xaflad-tartan-shiishka8xaflad-tartan-shiishka9xaflad-tartan-shiishka10xaflad-tartan-shiishka11xaflad-tartan-shiishka12xaflad-tartan-shiishka13xaflad-tartan-shiishka14xaflad-tartan-shiishka15xaflad-tartan-shiishka16xaflad-tartan-shiishka17xaflad-tartan-shiishka18xaflad-tartan-shiishka19xaflad-tartan-shiishka20xaflad-tartan-shiishka21xaflad-tartan-shiishka22xaflad-tartan-shiishka23xaflad-tartan-shiishka24xaflad-tartan-shiishka25xaflad-tartan-shiishka26xaflad-tartan-shiishka27xaflad-tartan-shiishka28

Related Items