Madaxweynaha Ghambia oo Kasoo Horjeestay Doorashooyinkii Dhawaan Dhacay Baaqna udiray Shacabka Wadankiisa.

Saturday December 10, 2016 - 07:01:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Ghambia oo Kasoo Horjeestay Doorashooyinkii Dhawaan Dhacay Baaqna udiray Shacabka Wadankiisa.

    War rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada dalka Ghambia ayaa lagu sheegay in ku shubasho iyo wax isdabamarin ay haraysay doorashooyinkii madaxtinimo ee isbuucii lasoo dhaafay wadanka ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada dalka Ghambia ayaa lagu sheegay in ku shubasho iyo wax isdabamarin ay haraysay doorashooyinkii madaxtinimo ee isbuucii lasoo dhaafay wadanka ka dhacay.

Yaxye Jaamic madaxweynaha waqtigiisu dhammmaaday ee wadanka Ghambia ayaa ku dhawaaqay in uu diiday natiijada kasoo baxday doorashada oo uu ku sifeeyay mid lagu shubtay oo xaaraan ah.

Khudbad uu Madaxweyne Jaamic ka jeediyay talefeshinka Rasmiga ah ee xukuumadda ayuu ku sheegay in baaritaan dheer kadib uu ogaaday in doorashada lagu shubtay wuxuuna markale shacabka wadankaasi ugu baaqay in ay ka qeyb galaan doorashooyin cadaalad ah sida uu hadalka u dhigay.



"Kadib Markii aan si qota dheer u baarnay doorashooyinkii dhacay waxaan ogaanay in ku shubasho iyo wax isdamarin ballaaran la sameeyay sidaas daraadeed waxaan ku baaqayaa in doorasho cusub oo cadaalad ah laqabto”ayuu yiyo Madaxweynaha Ghambia.

Aadam Baroow oo ah musharaxii la tartamayay Jaamic ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay warka kasoo baxay madaxtooyada wuxuuna taageerayaashiisa ugu baaqay in ay waddooyinka isugusoo baxaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Senegal oo daris la ah Ghambia ayaa isna Q.Midoobe ugu baaqay in shir degdeg ah ka qabato arrinta wadanka Ghambia isagoo ka digay in la dhibaateeyo kumanaan kamid ah muwaadiniinta Senegal oo Ghambia ku sugan.

Musharaxa doorashooyinka ku guuleystay ee Aadan Baroow ayaa taageera buuxda ka heysta wadamada reergalbeedka gaar ahaan Ingiriiska iyo Mareykanka, wuxuu waardiye ka ahaan jiray shirkad kutaal wadanka Britain balse sanaddii 2006 ayuu dib ugu laabtay Ghambia wuxuuna aas-aasay shirkad ka ganacsatay guryaha.

Ghambia oo ah wadanka ugu yar qaaradda Afrika marka lagasoo tago wadanka Jabuuti dhaqaalihiisu wuxuu ku tiirsanyahay dalxiiska waxaana wadanka lagu magacaabaa "Xeebaha galbeedka Afrika ee dhoolla caddeynaya”.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items