Mid Kamida Siyaasiyiintii Dooratay Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo Muqdisho Lagu Dilay.

Monday December 05, 2016 - 19:55:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Siyaasiyiintii Dooratay Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Ciidamo daacad u ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida Ergadii dooratay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo daacad u ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida Ergadii dooratay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo katirsan dowladda Federaalka.

Maanta barqadii ayay Askar katirsan Nabad sugidda afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ku toogteen siyaasi lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Sheekh Cali oo maalmo ka hor Jowhar ku doortay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Goob joogayaal ayaa sheegay in siyaasiga la dilay uu xilligaasi ka dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho, ciidamo daacad u ah Xasan Sheekh ayaa maalmihii lasoo dhaafay ugaarsi ku haayay dadka la shaqeeya siyaasiyiinta sida aadka ah ugula loolamaya doorashooyinka soo socda.



Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur iyo Salaad Cali Jeelle ayaa horay uga digay in la khaarijiyo siyaasiyiinta kasoo horjeedo siyaasadaha Xisbiga damul Jadiid ee majaraha u haya talada dowladda Federaalka.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Cabdi Raxmaan Goodax Barre wasiirkii hore ee arrimaha gudaha DF-ka oo ku aaddan dilka lagula kacay mid kamida siyaasiyiintii Jowhar kusoo doortay.

Related Items